DHIB MASA DHIBANE

dhibaatooyinkaWaxaan halkaan ka salaamaya maamulka Daryeelmagazine iyo akhristayaasha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.Dunida aan joogno waa duni xikmad badan ruuxana xikmadu meel walba ayeey uga imaan kartaa balse aadmiga oo dhan ma wada noqdaan kuwa xikmada fahma ama ka faa’ideysta.Maalinkasta waxay leedahay waji iyo arin gooni ah.

Maalin waa roob maalin waa qorax maalin waa dabeyl maalin waa qabow maalina waa jawi dhexdhexaad ah haddaba Allaha sidaas maalmaha ukala duwey soo ma mudna waxa nafteena la soo darsa oo imtixaan ah inaan inta samirno asaga ka warsugno iskuna xirno.Dhibi wey kugu dhici kartaa balse ma ogtahay akhristow in dhibaatooyinka
faa’iideeyin badan laga helo.Waxaa dhici karta inaad arintaas la yaabto!

1.Xigmad ayaa oroneysa dhibkasta waxa ay wadataa faa’iido la’eg ama ka weyn.Waa marka ruuxu noqdo ruux naftiisa dib u eega aqoona u leh ama jecel inuu naftiisa barto.

1.Dhibta iyo daruufta adag waxay sabab u noqon kartaa inaad dunida wax wanaagsan ku soo kordhisid waa haddii aadan isdhiibin oo aad hadaf leedahay.

2.Waxaad fahmi aadminimada ama insaaniyada kalmada lagu yiraahdo afka-carbeed

3. Waxay kaa dhigi kartaa ruux aad u fahmi kara aadmiga daruufihiisa iyo xaaladaha ku wareegsan.

4.Daruufta adag waxay kugu kordhin kartaa caqli iyo xikmad aadan lahayn markaad barwaaqada ku jirtey!

Akhristoow waxaan rabaa inaadan noqon dhibane dhib ku dhacdey ka soo kici waayey.Dalkaaga dhibta haysta dartiis ha isla dhigan,xanuun ku haysta dartiis maskaxdaada waxa wanaag ah oo ku jira oo ay qaban lahayd ha joojin.

Waxbarasho aad gaari weyday hala niyad jabin,xiriirka reerka oo kaa xun ha isla dhigan ee wax walba sax inta goori goor tahay.Ubadka haddii cilad kaa haysato isku dey inaad noqoto aabe wax ku saxa dhaqan ee oraah iyo hadal ka gudbay. Ogow ubadku iyo reerku waa cajalad ruuxa ay duubayaana waa labada waalid ee dhaqan wanaagsan mar walba tusa ubadkiina.Rabina mar walba oo aad tukataan u barya inuu idiin hagaajiyo.

Dhibane si aadan u noqon akhriso waxkasta oo niyadaada wanaag iyo farxad galin karo oo uu ugu horeeyo kitaabka ilaahay,axaadiista iyo taariikhda.Saaxiibo wanaagsan sameyso kana eeg inta uu illaahay ku xiran yahay iyo inta aqoon iyo khibrad wato.Isbar adiga oo xaalad adag ku jira inaad dhoolo cadeyn karto marka aad dhibta ku haysta kaa tanbadiso eeg samada sida ay u weyntahay iyo rabiga samadaas abuuray iney xaaladaadu ka qorsooneyn! Raxmada illaahay marna haka quusan inta aad dunida saaran tahay.

Gabagabadii daruufta ugu adag dunida dhamaad ayeey leedahay marka Soomaaliyey noqda dad dhibta iyo daruufaha wax ka barta balse dhibane naftiiina u diida dhibana waa ruux dhibta ku dhacdey xal u waayey kadibna doorbidey inuu dugaalsado.

Dhibi wey dhici kartaa,daruufna wey imaan kartaa dunida oo dhan ayaa nala qabta balse qaamuuskiina nolosha ka saara inaad dhibane noqotaan oo dhibta dhexdeeda ku dulwareegtaan. Dhibta waxaan ku matalay jeermis jirka galay oo kale jeermiska marka uu jirka ku weynaado mar waxaa jirta aan waxba laga qaban karin marka waa inaan baranaa inaan dhibkasta iyo daruuf kasta inta ay cusub tahay falanqeyno hoosna u tixraacno sababta si aan daawada saxda ah ula gaarno inta goori goor tahay.

Waxaan soo dhaweynaya afkaarihiina iyo aragtidiina kala duwan ee mowduucaan ku saabsan.

Maxamed Cabdulrashiid Dheeg

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *