Dhambaal Jacayl Oo Xiiso Badan

Dhambaal jacayl, fariimo jacayl, fariin jaceyl erayo macaanDhambaal jacayl ah

Si qarsoodi ah ayaad u xaday qeybkasta oo qalbigeyga ka mid ah adigoo aan igala tashan, haseyeeshee nasiibdaro waxaa iiga sii xanuun badan adigoon soo dhameystiran isku keenida qeybtii ka dhineyd qalbiga inaad ilowday.

Kelmada waan ku jeclahay markaad ii timid ee aad igu tiri,ma aqaano wixii igu dhacay, jaceylkaaga la’aantiis waan lunsanaa, waxaan dareemay erey walbo oo aad i dhahday in uu runyahay, Jaceylkaaga waa waxa ugu macaan ee nolosheyda soo maray intii aan noolaa.

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya.

Waxaad Qalbigeyga ka sameysatay mudul salkiisu adag yahay, hadana ay ka buuxaan xiiso, farxad iyo ififaalada hami nolol cusub.

Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay.

Waxaan kuu caashaqay xad ka balaaran inta aadan ogaan karin xaqiiqduna aan qiyaastaas u gaaray waxey tahay burhaantaada ayaa maalinkasta siisa iftiin gaara ah oo qalbigeyga ka dhex shidan.

Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay.
Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga.

Maalin ayaa i dhaaftay anigoo aanan dheehaneyn dhoolaceyntaadii quruxda badneynd ee waaberi kasto aan ku indha doogsan jiray. Waa dareen xanuun badan Macaan inaad ku fekerto in qofkii aad aadka u jecleyd aad ka tagto adigoo farxad ka heli kara.

Qalbi wadnaheyga adiga ayaan ku siiyey, maadaama adiga uu kuu garaacmayo ma awoodo inaan xakameeyo xittaa hal daqiiqo in aan codkaaga waayo, daqiiqadi aan codkaaga maqlo farxada iyo yididiilo ayaa hareysa qalbigan kuu ooman ee adigu aad hogaanka u heyso.

Waxa Jaceyl dunida yaalla waxey soo wada degeen qalbigeyga, waxaana dareensahay cabsi iyo hadana farxad uu xishood humaag gelinaayo.

Ma ogtahay nafteydaay maalinta aan kulanay in ay ii tahay bishaaro aan ebedkey iloobi doonin, waa maalintii indhaheyga iyo wadnaheyga ku qanceen dhoolacadeyntaada iyo kaftan macaanidaada. Waa maalintii ay gacanteyda ka baxday xakameynta nafteyda.

Aniga la’aantaa waxaan ahay keli, farxadeenana waxey ku jirtaa inaan wada joogno, iigu noqo saafi sida shaatiga cad uu nadiif u yahay oo kale.

Mar walbo oo aan indhaha isku xero waan xusuusnaan doonaa daqiiqadaha aan Farxadda kula soo qaatay, fadlan u ogoloow riyadaan in ay noqoto mid rumowda oo aan baabi’in.

Xitaa hawada aad ku neefsaneyso Calaashaan Xaafadda aad dagantahay waan ka jeclahay dunida inteeda kale, mana qiyaasi kartid sida aan uga xumahay in aan kala tagno.

Macaan Badan Aan noqono kuwa isku duuban oo leh hal hadaf iyo hal riyo in ay ku noolaadaan si farxad ka dheer tan bani’aadamka aan u sameysanno.

Ogoow Haddii aan adiga ku waayo wexey iila mid tahay in aan aduunyada waayay, Waxaadna Ogaataa Qalbi in dadka asaageen ah ee na isku keen yaqaano ay igu kaftamaan iyaga oo igu heysta in aan adiga daacad kuu ahay.
Nafteyda Ogoow Hore ayaa loo yiri ” Dadka Oonka Caashaqa Sambaba abaarsaday, Hadey kuugu ogaadaan, Afxumo kaama daayaan”.

Dadku wey ila yaabaan sidii in aan Jaceylka qalad ka galay, laakiin arinku sidaas maahee wexey igu hestaan wax sax ah oo wexey la yaabanyihiin sida aan Jaceylka Daacadda ugu ahay ee aan Nafteyda adiga kaaga Jecelahay.
Qaali ma ogtahay in Xittaa Taleefankaaga ay iigu qorantahay marka aad isoo weceyso NAFTA, Qaali ayaad tahay, qof kula mid ahna ma jiro macaan.

Macaan Ogoow indha aan wax ku arko waa adiga, dhagaha aan wax ku maqlo waa adiga, Wadnaheyga dhiigga sifeeyana waa adiga.

Waxaan sidaas u noqday waa hami fog oo ah inta Nolosheyda ka dhiman in aan adiga kula qaato, meesha aan ka fakarayo maanta iyo Barri maaha Macaan ee waa inaan wada noolaano xittaa Aakhiro.

Macaan badan aduunka adiga ayaan kuu Jeclahay mana ku ilaawayo inta aan noolahay meel aad adiga ka fogtahayna kuma noolaan doono.

Qalinkii Asma Maxamuud Hassan
toldeeq20@gmail.com

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *