Sidee U Ilaawi Kartaa Qofaad Jeclaaatay Oo kaa tagey ama aad heli wayday

Runtii way Adagtay in la ilaawo Qof aad jacayl Dhaba uqaaday Balse waxaa Hubaala in waxkasta oo la isku dayo laguna dadaalo waqti & samir lasiiyana lagu guuleysto .

Hadaba Qodobadan isku day inaad samayso haddii Arinkani kuhaysto waxa hubaal ah inaad Guuleysanayso :

-Xakamee Naftaada : Waxaa Hubaal ah haddii aad isku daydo inaad naftaadu wax ay jeceshahy aad ka xakamayso inaad ilaawayso waxaas .

-iska iloow wixii Hore : isku day inaad ilowdo waxkasta oo aad Qofkaas kuxasuusanaysid waxay kaa saacidaysaa inaad sifudud ku guuleeysato .

-la imoow samir : waa Hubaal inay naftaada ku adagtahay inaad ilowdo Qof aad jeclayd lkn waxkasta oo aad usamirto waad awoodaa ogoow ( Samraa sadkiis wuu helaa ) .

-Waqtiyada aad kahadlayso jacaylka waxa kusaabsan Tusaale ha usoo Qaadan Qofkaas , waayo waxad xasuusanysa waxkasta oo aad Qofkaas ku Jeclaatay .

-Aamin in ay jiraan Boqolaal Qof oo ka wacan Qofkaas aadna Nasiib uyeelan karto .

-isku Day inaad Nolol Cusub Biloowdo , sida inaad Asxaab badan oo aad farxad kahelayso lasaaxiibto ,sida inaad Raadsato dadka ku xiisaynaya Adiga , waxay kaa saacidaysaa inaad ilowdo Qofka aad jeclayd .

-ugu danbayn Naftaada Daacad unoqo , waxadna kasoo Qaada inaad tahay Qof faaiido helay oo aan khasaarin , waayo khasaaruhu marbuu yahay faaiido aadan dareensanyn .

W/Q: Yasin Abdirizak

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *