Jaceyl Hal Dhinac Ah

Waxaa jira nooc Jaceylka ka mid ah oo la yiraahdo Jaceyl hal dhinac ah “One-sided Love”. Calaamadaha lagu garto:
1. Waa marki qof keligii wax jecel yahay, qofki kalena u ogayn

2. Waa qofka oo leh, Waan ku Jeclahay xitaa hadii aadan i jeclaan adigu

3. Wuxuu qofkaa iska jeclaadaa dadka caanka ah sida Fanaan, Atoore, Atariisho, sawiradooda iyo heesahooda ayuuna keydsadaa

4. Halka mar uu geesinimo is geliyo oo uu qofki kale u sheegto, waxaa lagu yiraahdaa, “Annagu walaalo ayaan nahay” laakiin taa kuma haro

5. Waa qofka oo raba in uu iska ag joogo qofka uu jecel yahay hadii ay kulmaan inkastoo aysan afka uga sheegan karin, wuxuuna ka fakiraa halki uu shjeekada ka bilaabi lajhaa, aamus badan ka dib ayuu ugu dambeynti weydiyaa su’aalo si uu sheekada, “Xagee ku dhalatay?” Yaa reer Abti kuu ah horta? iwm. Qofki kale wuxuu ka sii qaadaa madax xanuun

6. Mararka qaar qofkaa wuxuu raaligeliyaa Barkinta, ‘barkinteydi qaaliga ahayd ka raali noqo ilinta iga da’aysa ee kugu qubata”

7. Marka ay wada joogaan, tell ku wada hadlayaan ama qoraal ku sheekeysanayaan waxaa mar kasta qofka kale ku yiraahdaa, “Haye Nabadey waa sii tagayaa” sababtoo ah hadba mawduuc caajis ah ayuu qofki raadinayay afkana kama sheegan karo in uu tagana ma rabo

8. Waa qofka marka uu seexan rabo isagoo keligiis ah intuu soo qubeysto, shanleysto, barafuun isku shubo ka dibna seexdo si uu Riyada ugu arko qofki uu jeclaa hadii uu Live ugu waayay ?

Fanaanki Heesayay wuxuu yiri, “Jaceyl aan laguula wadin Waqtigaaga yuun lumin”

W/Q: farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *