Sababaha Keena Dhabar Xanuunka Iyo Sida Guriga Loogu Dabiibo

Dhabar xanuunka ma ahan jirro ama xanuun ee waa astaan ay yeelan karaan xannuuno badan oo kala gadisan. Caadi ahaan dhabar xanuunku wuxuu tilmaamayaa dhibaato ka jirta seedaha, muruqaha, dareemaysha iyo lafaha saameeya laf dhabarka, sidoo kale waxay caalaamad u tahay mararka qaar xanuun ku dhaca xubnaha sida kilyaha ama sambabaha iyo xubnaha u dhowba.

Qeybta hoose ee dhabarka waa meesha ugu badan ee dadka qaba dhabar xanuun ay ka sheegtaan, dhabarka waxa uu ka kooban yahay  murqo, seedo, xidido, lafo iyo neerfo. hadii qaybaha uu ka kooban yahay dhabarku ay soo gaarto ama lasoo daristo xaalad caafimaad waxaa imaanaya xanuun. in badan oo kamid ah bulshada ayaa ka cawda xaaladdaan, walow uu ku badan yahay dadka shaqeeya xiliyada ama waqti badan, waxaana loo aanayn karaa fadhiga tirada badan ama fadhi la’aan waqti dheer ah.

Maxaa sababa dhabar xanuun?

Sababaha ugu badan ee xanuunka dhabarka waa dhaawac iyo dhibaatooyin la xariira qaab dhismeedka jirka. Qeyb kamid ah qaab dhismeedka jirka oo cilad soo gaarto waxay abuuraysaa xanuun saamaynaya dhabarka oo dhan ama qayb kamid ah, waxayna ku xiran tahay hadba intay waxyeeladeedu la egtahay.  sababaha qaar waxaa ka mid ah:

  • Dareemaha oo ka taga xudunta ka hoos
  • Kansar ama buro ka soo baxda dhabarka
  • Caabuq fangas ama bakteeriya oo dhabarka haleesha
  • Fadhiga tirada badan ama taagnaanshaha waqtiga dheer
  • Dhaawac ama jug soo gaarta seedaha, murqaha ama neerfayaasha dhabarka
  • Xanuunada ku  dhaca kilyaha qaar ka mid ah ayaa saamayn ku yeelan kara dhabar xanuunka

Astaamaha dhabar xanuunka

Dadka dareema dhabar xanuunka inta badani malahan astaan ama calaamad kale oo wehlisa, waxayna ka cawdaan dhabar xanuun, dadka qaar ayaa leh astaamo sida daal iyo dhaqdhaqaaq la’aan waxayna ku xiran tahay qaab-dhismeedka ama xubnaha cilladu saamaysay. Waxaa inta badan la arkaa astaamo ay kamid yihiin:

  • Awood la’aan sida in qofku uusan si toos ah u istaagi karin
  • Xanuun aad moodo in wax kugu taagan yihiin oo dhabarka ilaa lugta hoos laga dareemaya
  • Dareen culeys oo laga daremo dhabarka qeybta hoose

Hadii aad isku aragto ama aad leedahay mid ama qaar kamid ah astaamahaan hoos ku qoran in ka badan 72 saac, waxaa lagama maarmaan ah inaad booqato dhakhtar, waayo waxay ka turjumi karaan xanuuno keeni kara ama ay ka dhalan karto khataro kale oo caafimaad sida:

  • Kaadida oo aadan xakameyn karin
  • Kabuubyo labada lugood amaba mid
  • Dhabar xanuun kasii daraya habeenkii
  • Misaanka oo luma sabab la’aan (adiga oon isku dayin inaad dhintid culeyskaaga)
  • Qandho joogta ah oo ay lasocoto dhabar xanuun

Yaa halis ugu jira dhabar xanuunka?

Dhabar xanuunka waxaa halis ugu jiri kara qof walba, waxaase ugu badan dadka xiliga badan shaqeeya oo aan helin waqti ay ku sameeyaan dhaqdhaqaaq ama jimicsi, dadka da’da ah, dumarka, dadka aad u cayilan, dadka aadka u dheer iyo dadka leh balwadaha qaar sida balwada internetka.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa waxay tusaysaa in hadii aysan wanaagsanayn niyadda qofku ama uu haysto walwal ama murugo uu la darsi karo dhabar xanuun, waana mid loo aanaynayo dareemayaasha. Cilmi baarista ayaa ku talisay in sida ugu haboon ee loo joogtayn karo caafimaadka dhabarka ay tahay in la sameeyo dhaqdhaqaaq ama jimicsi.

Sidee baa guriga loogu dareyeeli karaa dhabar xanuunka?

Iskala bixis ayaa ah qaab wanaagsan oo lagu daryeeli karo dhabarka, ku samee jimicsi dhabarkaaga adigoo ilaalinaya qaab dhismeedka  iyo toosnaanta dhabarkaaga toosi  qaabka aad u fadhiisato oo dhabarkaaga toosi kana ilaali cadaadiska ka dhasha fadhiga aan fiicnayn, marka dhabarka uu xanuuno, waxaa fiican in la jiifsado oo barkin ladhigo lugaha hoostooda.

Ma ahan markasta oo uu dhabarka ku xanuuno in ay tahay dhaawac waxaa dhacaysa mararka qaar in aya tahay hab nololeedkaaga iyo shaqada aad qabato oo ku saaaraya walwal iyo walaac kaa tan badan. naftaada walwalka ka ilaali oo xakamey walbahaarkaaga.

Akhriso: Dhabar Xanuunka Sayatika (Sciatica): Asbaabaha Keena Iyo Daawayntiisa

Talo

hadii aad leedahay dhabar xanuun oo aad ku xakamayn wayday qaab shaqsi ah, waxaa haboon inaad aragto dhaqtar, dhabar xanuunku kama yimaado oo keliya, shaqada iyo qaab nololeedka ee waxaa jira xanuuno saamayn ku yeelan kara dhabarka. Jimicsiga iyo dhaqdhaaqa ayaa daawo aan la dhayalsan karin u  ah dhabarka iyo guud ahaan jirka.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *