Dawooyinka Dumarku Timaha Marsadaan Ee Midabka U Yeela Oo Sababi Kara Kansar

Khubaro caafimaad oo Ingiriis ah, ayaa sheegay in dawooyinka haweenku timaha ku qurxiyaan, isla markaana midabka u yeesha ay ku jirto maado kiimiko ah oo sababi karta cudurka kansarka.

Dhakhaatiirtan oo sameeyey cilmi-baadhis caafimaad, waxay xuseen in daawada midabka timaha u samaysa ee guriga lagu isticmaalo iyo ta lacagta badan laga bixiyo ee koofeerradu ay keento khatar caafimaad oo aad u xun.
Kiimikiada timaha midabka u yeesha ayey khubardu sheegeen inay la falgasho tubaakada sigaarka iyo wasakhawga hawada, sidaa darteedna isu beddesho waxyaabaha ugu halisan ee kansarka dhaliya.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in ragga iyo dumarka timahooda kiimikada ku madoobeeya amma ku caseeya ay halis ugu jiraan kansar.

Digniintan caafimaad waxa soo saartay shirkad saldhiggeedu yahay magaalada Leeds ee dalka Maraykanka oo la yidhaa Green Chemicals, taasoo muddo dheer cilmi-baadhis ku samaynaysay dhibaatooyinka ku xeeran waxyaabaha timaha lagu qurxiyo, waxaanay xuseen in la heli karo macluumaadka daraasaddooda oo ay ansaxiyeen khubaro caafimaad oo kansarka ku takhasustay.

Haseyeeshee, waxa daraasaddan si weyn uga horyimi shirkadaha soo saara waxyaabaha la isku qurxiyo.
Dhakhaatiirtu waxay ka digeen in maado la yidhaa Secondary Amines oo laga helo kiimikooyinka timaha lagu qurxiyo ay la falgasho maqaarka dadka, timahana ku sii jirto muddo dheer, wixii intaa ka dambeeyana falgal la samayso kiimikada hawada ku dhex jirta, dabadeedna sababto halis caafimaad-darro.

Prof. David Lews oo ka mid ah khubarada cilmi-baadhistan soo saartay, khabiirna ku ah kiimikooyinka ku jira daawooyinka timaha lagu middabeeyo, ayaa isagoo arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi; “Wejigayagan hore ma hubno heerka haliseed ee kiimikadan dhalisa kansarku gaadhsiisan tahay.

Afhayeen u hadlay shirkadda daraasaddan soo bandhigtay, ayaa isaguna sheegay in cilmi-baadhisyo badan iftiimiyeen in kiimikada timaha lagu qurxiyaa la falgasho kiimikooyinka kalee hawada ku jira, taasina keento halis caafimaad oo qofku kansar ka qaadi karo.

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *