Dawooyin Nabi Maxamed CSW Aad U Isticmaali Jiray Oo Uu Sunno Ahaan Uga Tagey Dadka Muslimiinta Ah

dawooyin nabi maxamed
Nabi Maxamed  (NNKHA) waxa uu muslimiinta uga tegay waxyaabo sunno ah oo ay akhlaaqiyaadkiisa kaga daydaan, isla markaana dhaqan wanaag u ah, sidoo kale waxa uu uga tagey waxyaabo dawo ah oo ka mid ah cuntooyinka iyo khudaarta wax laga cuno.

Sida uu tilmaamay khabiir islaam ah oo la odhan jiray Inb Al Qayyim, ilaalinta caafimaadku waa saddex dariiqo mid ahaan:

  • Ilaalinta caafimaadka wanaagsan
  •  In jidhka laga saaro walxaha dhibaatada u keenaya
  • Iyo in jidhka laga fogeeyo amma laga ilaaliyo waxyaabaha dhibta u keena.

Khubarada caafimaad ee casriga ah waxa ay sheegeen in caafimaadka qofku wanaagsanaanayo haddii uu isticmaalo cuntooyin nafaqo leh oo dheelitiran, jidhkana laga ilaaliyo waxyaabaha sunta ah amma waxyeelada u keena iyo jidhka laga saaro suntan (Detoxify) ku jira amma walxaha cudurka keeni kara ee ka dhasha cuntooyinka iyo hab nololeedka noolaha.

Haddaba, mareeg la yidhaa Health Muslim oo  ayaa soo bandhigtay waxyaabo Nebi Muxamed (NNKHA) daawo ahaan u isticmaali jiray kuwaasoo kala ah;

Timir:

Timirta oo ah cuntada uu Ilaahay ku quudiyey Maryama, kadib markii ay Nabi Ciise (CS) ku hoos dhashay geedka (Palm tree). Alle oo Ciise ku dhiirigeliyey amma Maryan wiilkeeda barakaysan inuu noqon doono Rasuulka Mustaqbalka ee ubadka reer Israa’iil, ayaa Maryam Alle ku yidhi; “Rux jirida geedka, waxa kaaga soo daadan doona timir bisil, si aad u cunto, cabitaan indhahaaga ku nasi waxa Alle ku siiyey.”

Asxaabigii weynaa ee Cabdullaahi Bin Jacfar, ayaa weriyey inuu arkay Nabi Maxamed (NNKHA) oo cunaya timir markaas uun geedka laga soo gooyey (Sida ku qoray buugga Bukhaari iyo Muslim). Sidoo kale mararka qaar waxa uu cuni jiray Rasuulku timir uu cabitaan ku liqi jiray, subaxnimada horena waxa caado u ahayd inuu dhawr xabbo oo timir ah cuno, gaar ahaan inta aannu salaada subax tukan. Marka uu waayo timir cusub waxa uu cuni jiray mid qalalan.
Timirta cusub ee markaas uun geedka laga soo jaray waxa ay faa’iido u leedahay in qofku noqdo mid awooddiisa taran fiicnaato, cadhadu ku yaraato, guud ahaana caafimaadkiisa jidh ahaaneed iyo maskax ahaaneedba ay noqdaan kuwo wanaagsan.

Inta badan dadka aan timirta darayga ah cunin waxa ay u nugul yihiin nabarada caloosha ku dhaca amma dhiiggooda ayaa si fudud u kara, taasina waxa ay ku keentaa madax-xannuun iyo in jidhkiisu uu dheelitiranku ka maqnaado.
Sidoo kale, waxa uu Nabi Maxamed asaxaabtiisa iyo ummadda islaamka ah ba ku dhiirigelin jiray in ay isticmalaan amma cunaan timirta oo uu ku sheegay in ay faa’iidooyin caafimaad oo badan leedahay.

Sidoo kale, waxa Nebiga laga soo weriyey in mararka qaar uu isticmaali jiray timir lagu daray subag, roodhi iyo kaligeedba. Inta badan waxa ay cunista timirtu fiican tahay waqtiyada kulaylaha lagu jiro. Waxa ka mid ah faa’iidooyinka kale in ay u fiican tahay indhaha iyo maskaxda qofka, sidaas darteed, waxaynu odhan karnaa timirtu waxay ka mid tahay dawooyinka Rasuulkeennu uga tegay ummadda muslimiinta ah.

2-Xabadsuud (Xabatu-Sawdaa)

Abu Hurayra Alle raalli ha ka ahaadee waxa uu yidhi in Nabiguna (NNKHA) uu yidhi; “Si joogto ah u isticmaal xabaasuuda (iniinyaha madaw), sababtoo ah waxay ay daawo ka tahay cudur kasta oo aan ahayn dhimashada,” waxa xadiiskan soo wariyey Bukhaari.

Xabaasuuda amma midhaha madaw ee kulul waa midho laga helo geed ubaxeed la yidhaa Nigella Stiva oo ka mid ah bahda dhir duxeedka ah ee la yidhaa Buttercup. Geedkan waa geed marka uu baxo dherar ahaan gaadha 16-24 iinj (inches), kadibna bixiya ubax buluug midabkiisu yahay. Waxa kale oo ka baxa midho madaw oo ah kuwa xabaasuuda loo yaqaan, meelaha qaarna looga yaqaan siidhkii barakaysnaa amma iniinyihii barkaysnaa, halka dadka qaarna u yaqanaan Siidhkii Carabeed, maadaama uu aad uga baxo dhulka Carabta.

Xabaasuda magacyo kala duwan baa looga yaqaana meelo badan oo adduunka ah, waxaana laba kun oo sannadood ka hor loo isticmaali jiray siyaabo kala gedisan oo ay ugu horrayso daawo ahaan.

Midhahan waxa laga tuujiyaa saliid oo mararka qaarna daawo laga sii sameeyo, kuwaasoo daawo ka ah xannuunada ku dhaca neef-mareenka iyo qufacaba. Waxa kaloo loo isticmaalaa in lagu daweeyo jidh xannuunka, hab-dhiska dheef-shiidka ay ka caawiso in la burburiyo suntan jidhka ku jirta, xubnaha kaadi-mareenka in ay fududayso in kaadida ay dibadda u soo saaraan, in jidhku u adkaysto dabaysha, xannuunada caloosha ku yimaada oo dhan waa ka dawo. Waxa kale oo lagu dilaa dirxiyada ku dhasha caloosha, maqaarka cuncunka ku yimaada iyo waliba hooyada oo ku caana badisa marka ay isticmaasho, sida ay iftiimiyeen dhakhaatiirta baadhay.

Haddii qofku dhawr dhibcood oo iniinyahan saliida laga miiro ah ku darsado kafeega amma shaaha waxa ay ka caawisaa in cawaasiiftiisu degto (calm the nervious system), qufaca uu ka bogado, asmada amma xiiqdu ka yaraato iyo waliba in uu ka badbaado xannuunada neef-mareenka ku dhaca haddii Ilaahay sidaas qadaro, balse haddii qofku si dheeli tiran ah u cuno amma uu iska badiyo waxa ay ku keentaa in dheef-shiidka calooshu khalkhalo. Waa dawo uu Nebi Muxamed ummadiisa ku dhiirigeliyey in ay isticmaasho.

Xabaasuuda waxa loo isticmaali karaa in lagu daweeyo dhibaatooyin macaanka ka dhasha, sababtoo ah waxa ay hoos u dhigtaa sonkorta dhiigga

-Nafaqada ay ka kooban tahay:

Xabaasuudu waxay ka kooban tahay 100 shay oo nafaqo leh, kuwaasoo kala ah 21% booratiin ah, 38% kaarboohaydarayt ah (carbohydrates) iyo 35% dux iyo saliid ah. Walxaha kale ee faa’iidada leh ee xabaasuuda ku jira waxa ka mid ah maadooyinka loo yaqaan Nigelloone, Thymoquinone iyo saliid xadidan. Waxa kale oo ka mid ah aysiidhada faa’iidada leh ee laga helo Linoleic Acid, Oleic Acid, Kaalshiyam, Botaasiyam, Iron, Siink (Zinc), Magniisiyam, Saliniyam, Faytamin A, Faytamin B, Faytamiin B2, Niacin iyo faytamiin C.
Saamaynta Caafimaad ee Xabaasuuda

Xabaasuudu waa dawo qof kasta isticmaali karo oo faa’iido leh, balse haddii qofku iska badiyo waxa ay sababtaa cuncun. Saamaynta amma dhibaatada laga dhaxlo waa mid muddo dheer, dhexe iyo dheerba noqon karta. Inta badan xabaasuuda looma oggolaado gabadha uurka leh oo dhib ayeyy ku keentaa…

3. Saliid Saytuun (olive oil):

Saied Al-Ansari Allah ka raali ahaadee wuxuu Nabiga (scw) ka soo wariyey in uu yidhi: Cuna, kuna duuga jidhkiina markaad heshaan maadama uu yahay geed barakaysan. (At-Tirmidhi, Ibn Maja)

Waxaa saliidan looga hortagi karaa cudurrada wadna, maadama ay saliidu hoos u dhigayso triglyceride ka dhiiga iyo waliba ka hortaga HDL cholesterol ka xun ( LDL) ee xididada dhiiga subag jufan ku noqda. Waxa ay saliidan hoos markaa u dhigaysaa cholesterol (LDL) xun iyadoon hoos u dhigayn cholesterol (HDL) ka fiican . Haddii uu cholesterol ka xun iyo triglyceride ka dhiigu ay bataan waxa ay keeni karaan cudurada ku dhaca wadna iyo agagaarkiisa iyo in ay curuuqda dhiigu isla xidhaan dufan awgeed. Ciladahaas oo keeni kara xididada guntama ama wadnna istaag ama madaxa oo dhiig ku furmo iwm.

Waxa ay cilmi baadhistu tusaysaa dadka qaba dhiigkarka , haddii ay isticmaalaan saliidan zaytuunta in badan inaysan u baahnayn daawooyin faro badan. Arrinkanina maaha mid aad adigu ku dhaqmi kartid dhakhtarka oon kiula scon.

Waxa ay saliidana ka hortagtaa cudurada sida cancer, sida breast, prostate, and rectal cancer.
Xagga macaanka waxa ay saliidana ay kontorooshaa sonkorta dhiiga. Maadama dhiigkarka iyo macaankuna xidhiidh leeyihiin ka hortag badan ayey saliidani arikaas ku leedahay.

Xagga dheefshiida : Haddii cunto nadiif ah oo u badan khaluun iyo khudaar iwm aad cuntid ood waliba aad raacisid saliidan zaytuunta waxa ay ka hortagtaa cancel ka caloosha, waxa ayna kor u qaadaa caafimaadka beerka iyo waliba waxa ay ka qayb qaadataa nadaafada jidhku uu iska saara sunta jidhka gasha. Waxa kale oo ay saliidana dheefshiida faaiido way ugu tahay si ay in dheefshiidu si sahlan cuntada nafaqda uugala bixi karta. Waxayaaba kale ee ay saliidu uugu fiican tahay xaga dheefshiida waxaa ka mid ah in ay ka hortagto xanuunka xamaytida, nabarka caloosha iyo calool istaaga xagga midhicirada.

Saliidan zaytuunku waxa kale oo ay ka hortagtaa xanuunada lafaha ku dhaca . Waxa kale oo saliidu kobcisaa maskaxda kana hortagtaa iloowshaha.

3-Malabka Shinnida:

Ilaahay (SWT), waxa uu qur’aanka kariimka ah ku sheegay in malabku daawo yahay, waxaana ku xusan Suurada Al-Naxal “Malabka waxa dadka ugu jira daawo,” An Naxal (16:69), iyadoo sidoo kale suuradan Ilaahay kaga hadlay shinnida iyo faa’iidooyinkeeda kala duwan.

Haddii aad liin soo qaado, kadibna aad koob ku tuujiso, isla markaana malqacad malab saafi ah ku darsado, kadibna aad biyo kulul ku qasto, waxa ay daawo ka tahay in ay jidhka ka nadiifiso waxyaabo badan, sida cunno xannuunka amma xabeebta, hargabka iyo waxyaabo kale oo qashin ah oo jidhka ku jira.

Liin-dhannaanta iyo malabkuba waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha aadka u faa’iidada badan ee caafimaadka qofkana kor u qaada, xannuunada qaarna ka daaweeya. Liin-dhanaanta waxa ay daawo fiican u tahay hargabka iyo calool xannuunka.
Sidoo kale, Malabka dabiiciga ah ee shinnidu samayso, kaasoo inta badan laga soo ururiyo buuralayda amma dhirta meelaha leh, saafigana ah, waxa loo adeegsadaa in dhaawacyada qaar lagu daaweeyo, gaar ahaan Nabi Muxamed (NNKH) waxa uu u adeegssan jiray malabka inuu cuntada ku darsado, halka uu asxaabtiisana ku waanin jiray in ay ubadka cuntada ugu daraan.

Malabku waxa uu ugu fiican yahay marka aan la shaandhayn, dabka la saarin, shirkad la soo marin, kaasoo aad ugu fiican dadka caafimaad ahaan iyo jidh ahaanba.

Dadka qaba macaanka waa in ay ka taxadiraan marka ay malabka cunayaan, sababtoo ah dhiiggu waxa uu malabka u qaata inuu sonkor yahay, gaar ahaan way kala duwan yihiin malabka, tusaale ahaan malabka la yidhaa Tubeelo (Tupelo) waxa uu ka duwan yahay ka la yidhaa Leyulose, sababtoo ah qofka macaanka qaba wuu isticmaali karaa noocan.

Malabku waa il dabiici ah oo tamar laga helo, taasoo sidoo kalena ay ku jirto nafaqo aad u faa’iido badan. Sonkortu waa unugyo tamar ah oo jidhku u baahan yahay. Dhammaan kaarboohaydaraydka (Carbohaydrates) hadday kuwo sonkor fudud ah iyo kuwo culus waxa loo jajabiyaa qurbaabo Guluukoos (glucose) la yidhaa amma dhiigga sonkorta raacda (Blood Sugar) ka hor inta aan jidhkeenu isticmaalin, sidaa darteed sonkorta malabka ku jirtaa asal ahaan iyadaaba burbursan oo ah Glucose iyo Fructose, jidhkuna si caadi ah buu u nuuga, kadibna waxa uu ka helaa tamar degdeg ah.
Cilmi-baadhiso dhawaanahan la sameeyey waxa ay soo jeediyeen in sonkorta malabka ku jirtaa ay qofka ka ilaaliso in qofku daalo, gaar ahaan dadka ciyaaraha fudud ciyaara ayaa lagula taliyey in ay isticmalaan.

Source: Healthy Muslim & Cafiifah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *