Maxaa Keena Haaraha Wejiga, Sidee Se Loo Baabi’in Karaa?

wajiga haaraha leh
Credit: demnetnz.org

Maanta waxaan raba inaan ka hadlo dhibatada ka haysta dumarka haaraha wejiga, kuwaas oo runtii hablo badani isoo waydiin waxa goyn kara, waxan jeclaysatay inaan u yar faahfaahiyo si ay oga faaiidaystaan dumarka oo dhan.

Hadaba haarahan ayaa ah kuwa ku dhaca dumarka aduunyada oo dhan 70% , kuna yimaada xaaladao kala duwan, sida dumarku markay uurka leeyihiin haraahaas oo loo yaqaano “melasma”, ama qofka oo xanuusada, cadceeda oo disha jidhka, iyo qarkale, se maxaa sababa weeye suaasha meesha taala?

Jidhkeenu wuxuu u qaybsamaa laba lakab oo loo yaqaan “Epidermis” iyo “Dermis”

Jidhka loo yaqaano “Epidermis” oo ah lakabka ugu sareeya jidhkeena, ayaa waxaa ka hooyseeya unugyo loo yaqaano “melanocyte” unugayadan oo sameeya wax iyagana loo yaqaano “melanin” oo ah unugada jidhka dadka biniaadamka siiya midibka timaha, jidhka iyo indhaha. Unuguyadani waa kuwa la shaqeeya ilaa maskaxda?

Unugayadan oo loo yaqaano (melanin) ayaa aad ugu badan dadka jidhkoodu madawyihiin, halka dadka jidhkeedu cad yihiin ay aad ugu yaryihiin, ama (European people).

Hadaba haraahani waxay ku dhaacaan dumar ka uurka leh, dumarka aan uur lahayn iyo raga qaar, waxana loo yaqaana Harahan (melasma & the mask of pregnancy) kuwaasoo ka dhasha (melanin) oo ku badata jidhka, ka bacdina, cad ceedu dhibato soo gaadhsiiso jiidhka. Dumarka uurka leh way ka tagaan harahani markay umulan ka bacdi hadii anay wax khaldan marsan!

Dumarku markay uurka leeyihiin waa dadka ugu badan ee ay ku dhacaan haarahani, waayo dhiigeedu wuu ka badan yahay ka dadka caadiga ah, hormones-kooduna wuu Is badalayaa, markaa jidhkooda hadii anay ilaalin dhibato way soo gaadhaysaa wajigooda. Jidhkan markay cadceedi ku dhacdo runtii way sii badisaa waxa loo yaqaano “melanin” dhibatina way gadhsiisaa. Markaa waxaa muhiima ah in gabadhu wax cadceeda ka ilaaliya ay marsato, aadna u ilaaliso wajigeeda?.

Sidee looga hor tagi karaa haaraha?

Dumarku markay uurka leeyihiin, had iyo jeer waxay arkaa marka hore casaan yar yar oo ku soo dhigma wajiga dhinacyadiisa sare kaasoo loo yaqaano (melasma), casaanka yar yar ayaa ah markay haaruhu soo bilaabmayaan, runtiina waxaa sababaya markay is badalaan (hormones) ka qofku .

Haaraha ku dhaca dumarka caadiga ah waxay ka dhashaan caafimadarada, ama waxaa loo yaqaano (stress), iyo qaar ku dhaca da’da aadka u wayn markay dumarku gaadhaan. Haarahan ayaa ku tagi kara uun, creams- u gaara ama qalab casriya oo loogu tala galay in lagu baabiiyo oo loo yaqaano (micordermabrasion), qalabkan ayaa jeermiska galay jidhka ka saara, inta ka bacdi qofku jidh cusub oo cafimad qaba ayuu yeesha, haruhuna way tagaan.

Hadaba walalao qofkasta oo haaraha wejiga dhibaato ka haysato waxan kula talin lahaa inaanu wax kasta iska marin, waxad arkaysaa dad odhanaya dhawr qof baa igula taliyay creams-kan somalidu iska marsato ee qaar halisa yihiin, waxad ogaataan haarahani maaha jidhkan dushiisa uun ee hoostay ka soo bilaabeen waxana baabiin kara uun wax logu tala galay ama jidhkaasoo qof yaqanaa wax u gaara ku sameeyo qofkaas oo isticmaalaya qalabkii loogu tala galay??!

Sidee looga hortegi karaa?

Waxaa qabaa in la ilaalin karo oo laga hortagi kari, hadii qof uu sameeyo waxyabaha ka ilaalinaya oo dhan waxan ka mida:

  • Cuntooyin ay ku jiraan (Vitamin C & E)
  • Khudrada oo la badsado
  • Wajiga oo saliida badan ee ka soo baxaysa markay (hormones) ku is badalan la ilaaliyo oo had iyo jeer la nadiifiyo, qofkii awoodaa inuu isticmaalo (facial scrubs & facial Cleanser) kuwana dila jeermiska ku dhasha jidhka….
  • Creams-ka loo yaqaaan (sun cream) oo qof ku markasta ka marsado cad ceeda
  • Liin dhanaan oo meelaha casaanka sameeya la mariyo malintii laba jeer
  • Khalka tufaaxa iyo biyo la isku qasay oo la mariyo meelaha haaraha leh kadibna markay qalalaanna biyo diirran la iskaga maydho:

Akhriso: Siyaabaha Khalka Tufaaxa Loogu Qurxiyo Jidhka Iyo Timaha

Allaa Mahahd Leh

W/Q: Amina Mohamed

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *