Qaababka Dabiiciga Ah Ee Loola Tacaalo Cabudhka Iyo San-Xiranka

Cabudhku waa labada dul ee sanka ama mid ka mid ah oo xidhma, waxa aanay arrintan inta badan dhacdaa marka dulka sanka gudihiisa hore uu barar ku jiro, taas oo sababta in duufku uu ku ururo sanka gudihiisa, aakhirkana ay noqoto in qofku uu si dabiici ah neefta uga qaadan kari waayo sanka. Waa mid ka mid ah sababaha cabudhka sanka keena, sababta bararka ku keenaysa dulka gudihiisuna inta badan waxa ay la xidhiidhaa Hargabka iyo xasaasiyadda oo uu samboorku ka mid yahay. Bararkaas marinnada neefta ee sanka ku imanayaa waa mid inta badan ku meelgaadh ah, uu sanku dabiici ku soo noqdo marka hargabka ama xasaasiyaddu tagaan, haddii aanu ahayn mid ku imanaya hilib dheeraad ah oo ku yaalla una baahan in qalniin lagaga jaro ama qallooc ku jira sanqaroorka.

Waa run in cabudhku aanu marka hore qofka ula muuqan cillad sidaas u weyn, balse keliya diiqad iyo cidhiidhi ku keenaysa qofka, laakiin sidaas ma’aha, balse waa cillad u baahan in qofku uu si dhaqso ah u dabiibo, waayo waxa uu keenaa dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay, caabuq dhegaha ah iyo qofka oo aan hurdo raaxo leh seexan.

Haddaba, waxa aynu akhristayaasheenna la wadaagaynaa dhowr hab oo ay khubarada caafimaadku qireen in lagu yarayn karo malaxda ku ururta gudaha sanka, waana habab aynu ku magacownay dawo-guri maadaama oo aanay qofka uga baahanayn in uu dhakhtar la kulmo ama uu dawo kiimiko leh qaato. Waxaa muhiim ah in qofku uu ogaado in dawo-gurigan mid keliya oo aad isticmaashaa ay kugu filan tahay oo aanu macnuhu ahayni n la wada isticmaalayo, arrinta kale ee muhiimka ahina waa in aynu ogaanno in ay tahay xal ku meel gaadh ah oo marka cabudhku soo noqdaba lagu celinayo, balse aanu ahayn dawo kama damays ah.

Toonta:

Toontu waxa ay ka mid tahay dawo guriga ugu fiican ee lagula tacaali karo cabudhka sanka. Toontu waxa ay liddi ku tahay fayraska, waxa aanay la dagaallantaa jeermiska iyo bakteeriyada, sidaa awgeed waxa ay si weyn u caawisaa awoodda uu jidhku u leeyahay in uu la dagaalamo caabuqa ku dhaca hab-dhiska.

Habka isticmaalka: Laba ama saddex xabbo oo toon ah ku kari koob biyo saafiya ah, kadib maalin kasta hal mar cab illaa inta uu cabudhku tegeyo. Sidoo kale toonta cunisteedu iyada oo kelideed ah ayaa ay qofka ka yaraysaa cabudhka iyo raaxo xumada hurdo ee ka dhalata.

Uumiga:

Qofka oo isku uumiya biyo kuli waa dawo guri kale oo dad badaniba yaqaannaan in ay si dhaqso ah u jebiso ama u yarayso cabudhka. Uumigu waxa uu yareeyaa malaxda, waxa aanu wanaajiyaa hab-sami u shaqaynta hab-dhiska neefsiga. Qofka aad u cabudhsan waxaa u fiican in uu ugu yaraan laba illaa afar jeer maalintii uu biyo kulul isku uumiyo.

Digniin: Si guud khubarada caafimaadku kuma taliyaan in carruurta yaryar biyo kulul lagu uumiyo, iyada oo sababtu tahay in ay gubtaan awgeed. Sidoo kale uma fiican dumarka dhiig-karka lihi marka ay uurka leeyihiin, ama dumarka wadne xanuunka iyo xanuunnada neerfayaasha lihi marka ay uurka leeyihiin.

Filfisha:

Filfishu waxa ay faa’ido u yeelan kartaa yaraynta cabudhka iyo guud ahaanba xidhan dulalka sanka. Filfisha oo la ursadaa waxa ay sababtaa hindhiso, taas oo sabab u noqota in marinnada sanku iska soo nadiifiyaan duufka ku ururay ee sanboorku keeno.

Habka: In yar oo filfil budo laga dhigay ah ayaa lagu shubayaa sacabka gacanta, kadib waxaa lagu darayaa saddex dhibcood oo saliid macsaro ah, kadib inta la is dhex geliyo ayaa sanka la saarayaa oo dib neefta loo nuugayaa. Waxa ay keenaysaa in qofku u uaad u hindhiso, taasina waxa ay yaraynaysaa cabudhka.

Tamaandhada/Yaanyada:

Tamaandhada ama yaanyada oo ka mid ah khudradaha ugu badan ee cuntada lagu karsadaa, sidoo kale waxa ay dalal badan ka tahay sharaab inta la shiido sidiisa loo cabbo, waxana ay khubarada caafimaadku sheegaan in ay leedahay faa’idooyin aad u badan. Haddaba faa’idooyinka caafimaad ee tamaandhada waxaa ka mid ah in lagula tacaali karo cabudhka sanka, gaar ahaan waxa ay suurtogelisaa in duufka iyo malaxda ku urura dulka sanku ay jilcaan kadibna soo dareeraan, taas oo ah sababta ay cabudhka u kaxaynayaan.

Habka: Koob tamaandho shiidan ah ayaa lagu darayaa hal malqacad oo toon la jarjaray ah iyo malqacad weyn oo liin dhanaan shiidan ah intaas ayaa dabka la isku saarayaa, marka ay karto kadibna waxaa lagu sii darayaa waxoogaa milix ah, kadib sida sharaabka caadiga ah ayaa loo cabbayaa.

Waxaa iyaduna muhiim ah in aynu ogaanno in cuntooyinka sidoodaba u kulul sida sinjibiisha, toonta, basasha, busbaaska cas iwm, haddii cuntada lagu daro in ay ka qayb qaataan yaraynta cabudhka.

Xulbadda:

Xulbadda samayskeeda waxaa ka mid ah maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa cabudhka, sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa.

Habka: Waxa aad isku dartaa malqacad ama laba malqacadood oo xulbad shiidan ah, iyo koob biyo ah, isku kari, kadib intaa qaboojiso marka ay kala fadhiisato miir, inta uu weli diirran yahayna cab. Haddii qofku uu sidaa yeelo laba ama saddex jeer maalintii, waxaa ka tegaya  cabudhka waxa aanay sidoo kale u fiican tahay guud ahaanba caafimaadka.

Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh, maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka. Dhammaad.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *