Dawada Isku-Darka Malabka Iyo Qorfaha

Shabakadda wararka Ruushka ee Russia today oo soo xiganaysa majalad caafimaad ayaa dhowaan baahisay warbixin sheegaysa isku dar dawo ahaan loo cunayo oo gacan ka geysta miisaan dhimista, jidhkana kala dagaallama Kalastaroolka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ay jiraan cilmibaadhiso badan oo caafimaad oo ka warramaya faa’idooyinka tirada badan ee malabku uu u leeyahay caafimaadka aadamaha. Faytamiinnada tirada badan ee malabka ku jira iyo waxyaabaha dabiiciga ah ee uu ka samaysan yahay ayaa ay khubaradu sheegeen in ay keentay in malabku uu aad u xoojiyo hab-dhiska difaaca jidhka, oo uu xanuunada la dagaalamo, kana qaybqaato la dagaallanka buurnida, iyo weliba ka takhalusidda xaydha dhibatada keenta ee jidhka ku ururta.

– Waxaa ka mid ah malabka oo lagu daro qorfaha oo la tumay, waxa ay khubaadu caddeeyeen in malqacad qorfe (qolofal) ah iyo shan malqacadood oo malab ah oo la isku walaaqay , kadibna hal malqacad laga cuno subax kastaa ay wanaajiso hab-dhiska dheefshiidka, aada u caawiso ka takhalusidda xaydha dhibaatada leh ee jidhka ku ururta.

– Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in malqacad keliya oo isku-darkan ah oo lagu daray koob biyo diirran ahi kadibna ka cabbo quraacda ka hor rubuc saac uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aad u badan.

Sida lagu sheegay warbixintan, tijaabooyin badan oo xeeldheerayaashu sameeyeen in ay ku ogaadeen in qofka caadaysta in uu muddo ugu yaraan laba bilood ah cuno isku darkan qorfaha iyo malabka ah, lagu arkay Kalastaroolka oo si muuqata hoos ugu dhacay, baadhitaanno lagu sameeyeyna caddeeyeen in xaaladda caafimaad ee halbawlayaasha iyo xididdada dhiiggu ay aad u fiicnaatay, lagana arkay dabac badan, taas oo ah rajo fiican oo ka hortag u noqon karta wadne xanuunka iyo dhiigfuranka maskaxda ama faaligga. Sida caadiga ah mar kasta oo da’da qofku korodho waxa uu lumiyaa dabacsanaanta muhiimka u ah xididdadan iyo halbawlayaasha dhiigga.

Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in isku darka malabka iyo qorfuhu iyo sidoo kale mar kasta oo malabka lagu daro wax kale oo dabiici ah, ay kor u qaaddo caafimaadka qofka aadna u yarayso kalastaroolka.

Check Also

Dawada Malabka Iyo Liin Dhanaanta La Isku-Daray

laalinta culeeyska jirka oona lagu ilaaliyo culeeyska saxda ah ee u qalma muuqaalkaada iyo da’daada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *