Cuntooyinka U Fiican Timaha Ee Caawiya Koritaankooda Iyo Aanay Daadan

Warbixinno marar kala duwan lagu qoray wargeyska Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska iyo shabakadda Internet ka ee New Blase ayaa iyaga oo soo xiganahay xeeldheerayaal aqoon fog u leh caafimaadka iyo quruxda timaha waxa ay sheegeen cuntooyin qofka cunistooda joogteeya isbeddel caafimaad lagu arko timihiisa.

Sida caadiga ah khubarada caafimaadku waxa ay caddeeyeen in nafaqada cuntada qaarkeed iyo wareegga dhiigga oo si sax ah oo caafimaad qabta u socdaa ay ka mid yihiin waxyaabaha ilaaliya quruxda iyo bixitaanka timaha.

Qormadan waxaan kusoo aruurinay qaar ka mid ah  Cuntoooyinkaas ay xeeldheereyaashu sheegeen in ay u fiican yihiin caafimaad timaha, gaar ahaan cuntooyinka laga helo dalkeenna.

Beedka ama ukunta:

Beedku waxa uu nadiifiyaa godadka maqaarka ee tintu ka soo baxayso baxdo, waxa aanu xoojisaa timaha oo go’ista ka uu ka ilaaliyo, waxaa ka buuxa barootiin.

Dabacasaha:

Khudraddan oo si guudba ugu fiican caafimaadka ayaa la xaqiijiyey in uu wanaajiyo habsami u wareegga dhiigga si uu u gaadho timaha jirriddooa, sidaa awgeedna timaha ayaa xoogeysta si fiicanna u baxa.

Muus iyo Afakaadho:

Haddii labadan khudradood la isku daro kadibna iyaga oo sida cajiinka ah timaha la mariyo (Dahaadho) waxa ay xoojiyaan timaha, oo ay siiyaan faytamiinno muhiim ah, oo timaha ka caawiyoa in ay baxaan, iyo go’itaankooduna yaraado. Isla markaana midabkoodu dabiici dhalaalaya ku soo noqdo.

Saliida afakadhaada:

Saliidda afakaadhadu waxa ay timaha siisaa dux ka daweysa ingagga, waxa aanay siisaa nafaqo ka ilaalisa go’itaanka iyo in ay midab-guuraan. Saliidda afakaadhadu waxa ay kor u qaaddaa caafimaadka timaha, waxa aanay ka dhigtaa jileec dhalaalaya.

Kalluunka Salmon:

Waxaa uu hodan ku yahay dufanka asiidh ee Omega3 waxa aana laga helaa faytamiinnada E iyo D, sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaa in ugu yaraan saddex jeer toddobaad kasta la cuno. Kalluunnka Solomoon waxa uu timaha ka bi’iyaa qallalka iyo busaaradda, waxa  uu ka ilaaliyaa daadashada, waxa aanu ka caawiyaa in ay baxaan, midabkooda dabiiciga ahna soo ceshadaan.

Koostada:

Caleenta Koostada oo afka carabiga Sabaanikh lagu yidhaahdo, (Spinach) waxaa laga helaa nafaqo muhiim ah, waxaaanay caan ku tahay faytamiinno ay ka mid yihiin B, C, E, sidoo kale waxaa ku jira Bootaasiyaam, Kalshiyaam, Omega3, Magnasiyaam iyo Xadiid, marka laga tago faa’idada ay faytamiinnadan iyo maaddooyinkan kala duwan u leeyihiin caafimaadka guud, waxa ay sidoo kale u fiican yihiin caafimaad timaha. Tusaale ahaa xadiidku waxa uu caawiyaa in ogsajiinta dhiiggu ay gaadho timaha, isku darna waxa ay maaddooyinkani timaha u soo celiyaan quruxda, iyo bixitaanka dabiiciga ah.

Cadaska:

Cadasku waa il muhiim ah oo laga helo maadadda Zinc, waxa aanu jidhka kala dagaalamaa sumowga.  Maadadda Zinc waxa ay caawisaa bixista timaha, waxa aanay furtaa qanjidhada saliidda ee saanta madaxa. In qofka maadadda Zinc ku yar tahay calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah in timuhu daataan.

Hilibka Digaagga:

Hilibka digaaggu waa il muhiim ah oo laga helo Barootiinta timuhu u baahan yihiin, haddii ay waayaan ama ku yaraatana ku keena daadashada, basaasta iyo in midabkoodu guuro. Barootiinta laga helo hilibka digaaggu waxa ay timaha ku kordhisaa caafimaad waxa aanay ka caawisaa bixitaanka.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *