Daryeelka Jidhka Qalaylka Ah (Dry Skin)

Maanta waxan ka hadlayaa jidhka qalaylka ah (dry skin type), jidhkaan qalaylka ah ayaa ah mid lagu garto ingayg badan oo dhabanada ah, wajiga oo  noqda wax loo yaqaano (tight skin), fooda oo had iyo jeer qolofi ka kacdo, basaas badan iyo dadka qaar oo dareema cun cun dhabanada ah. Iyaguna waxa jidhka engayga badan leh, gacmaha, xusulada, kubka . waxa kaloo jidhkaani dhib soo gaadhsiiya cidhbaha cagaha oo iyaguna xoog u qalala, oo uu qofku yeesho wax loo yaqaano safanta.

Hadaba, jidhkaan  dhibta ugu wayn ee qalaylka ku keenta waxa weeyi  jidhkoo ooman aadna u qalala, (dehydration  skin). Jidhkaan ayaa ah mid hadii la ilaaliyo xaladihiisa cunto, biyo, iyo waxyabo markasta la mariyo  oo jidhka lagu duugo uu qofku ka bad baadaa  dhibatooyin badan oo uu can ku yahay jidhkaani, sida gabowga deg deg ah ee kaga dhaca dumarka wajiga ee loo  yaqaano (wrinkles). Jidhkaan ayaa ah mid ay sababaan had iyo jeer, qaboobga badan, kulayl ka badan, ama xaalad cafimad daro awgeed. Qofka jidhkan ku yeesha xalad caafimad daro awgeed, waxa fiican in uu dhakhaatiirta kala tashado si uu helo waxyabo ka caawiya, kana joojiya qalaylka badan.

Jidhkaan ayaa ka bad baadi kara mudooyin waxyaabaha habluhu marsadaan ee (mercury liquid) ku jirto, sababtoo ah wa jidh leh daldaloolo yar yar weeye  (pores) , ka bacdina daldaloladan yar yari hore uguma gudbiyaan kimikalka jidhka hoose. Habloow arrintani ha u qadanina inaan idinkula talinayo wada waxaa la isku cadeeyo.!!  Sharaxaada jidhkan ayaa iila gashay waayo waxa jira hablo I waydiiyay su’aalo ah dadka qaar way ku qurux badnaadaan dawada waxbana ma yeesho!???  Markaa walaalo waxaan idin sheegayaa jidhkan oo kale dhibtu hore uma gaadho wallooow ay ku soo socoto oo jidhku  u dabacsanaan doono si u qaato kimikalkaas.

Hadaba, jidhkaan ayaa u baahan in mar walba wax la mariyo sida wajiga, gacmaha, iyo lugaha, way jiraan qofka waxyaabo cawin kara hadii uu cuno ama cabo.  Waxa ugu badan ee caawiya jidhkan ayaa ah, qofkoo caba maalintii biyo aad u badan si uu jidhku u qoyo.

Hadaba waxyabahaan ayaa cawin kara jidhka qalaylka ah ( for Dry skin type).

  • Afakadho oo in yar ah, (olive oil) iyo beedka (ukunta) inta cad ba la isku darayaa, ka bacdi wajiga oo la maydhay ba la marinayaa, 20 daqiiqadood ba lagu daynayaa. (facial Mask).
  • Cambe, sonkor yar iyo boraj, waa la isku wada daraya, borajka wa inaad biyo kulul ku shubtaa in yar, ka bacdina la isku wada qasaa oo wajiga la mariyaa, kani wuxuu dilaa jeermiska oo ka soo saara jidhka waxana loo yaqaana (face scrub).
  • Caano dhanaan, malab, beedka (ukunta) inta cad, iyo saliid yar. Waa la isku wada daraya iyagana wajiga ayaa la marinayaa. Dhamantood waxyabahan nusasaac ka badan kuma ooli karo wajiga.
  • Caano dhanaan, malab, iyo moos iyagana sido kale.

Waxyabahan kor ku qoran oo dhan kolow waad garan kartaan inta wajiga ku filan mid kasta wax yar oo ka mid, ka bacdina in leeg inta qasil ahaan u marsataan oo  kale, iga raali ahaaada qiyaasta oo dhan ma soo wada qori karo, waxan is idhi habluhu way garan karaan inta wajiga ku filan, gacmaha intii idinka so hadha wad u isticmaali kartaan, waloow liindhanaantu aad ugu fiicantahay iyaduna gacmaha.

  • Biyo badan wa inuu qofkuu cabaa, jidhka qalalan aad bay u caawiyaaan.
  • Cuntooyinka nafaqadu ku jirto way u fiicanyihiin jidhka qalalan.
  • Vitamin C— fitamiinkani wuu u  fiicanyahay jidhkaan wuxuna  ka ilaaliya jidhkan inuu is badalo, (wrinkles) ama layn laynka ku dhaca dumarka oo yar yar wajigooda.

Allaa mahad Leh

Amina Abdilahi Mohamed

Holistic therapist & skin specialist

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *