Daryeelka Iyo Qurxinta Jidhka Caadiga Ah (Normal Skin Type)

Jidhka caadiga ah, normal skin type, daryeelka jidhkaMaanta waxaan doonayaa inan soo qaato Jidhka caadiga ah (normal skin type), jidhkaani wa ka ugu fiican jidhka dumarka, waa jidh aan inta badan waxba noqon, wa jidh waxkastaa u dheeli tiran yihiin, waa jidh hadii loo isticmaalo wixiisa saxda ah  rutnii sii qurux badnaada, markaa waa jidh aanay hore u gaadhin dhibta kimikalku, ama ay naasibto inta hore, wallow hadii lagu sii wado ay dhib u keeni doonto. Hadana wa jidh lagu garto waji dhalaalay, waligii finan yelan, wax dhib ahoo kale aan ku lahayn wajiga. Waa jidh had iyo jeer nadiifa , jilicsan, quruxbadan, dhalaala, dadka haystaana ay aad u nasiib badan yihiin.

Jidhkana hadii la ilaalin waayo, ama loo isicmaali waayo kiriimis u saxda ah, wuxu noqdaa aayar aayar dhabanada qalayl, fooda iyo gadhkana saliid, waloow dhib badan soo gaadhin hadana waxyabaha lagu garto mustaqbalka haduu is badalo ayaa ah noocan, ka bacdina qofka  jidhkiisa ayaa noqda jidh magac kale leh oo loo yaqaaano (combination skin type) , waloow uu wali yahay jidh fiican hadii  la daryeelo ilaalintiisa. Hadaan isku soo daro anigu shaqsi ahaan jidhkaasan leeyahay loo yaqaano (combination skin), waxaan qaba inuu yahay jidh fiican oo u dhaw ka caadiga ah. Jidhkan isku jira ayaan ahayn mid yeesha dhibaato badan sida jidhadhka kale. Dhibta uu leyahay ee kaliya ayaa ah gadhka iyo fooda hadii la ilaalin waayo waxa ku bataa wax loo yaqaano (T-zone) oo ah saliid fadhiistay.

Aan ku soo noqdo jidhkii caadi ahaa, wuxuu u baahanyahay jidhkani in habeenkii iyo aroortii markasta loo sameeyo wax loo yaqaano (facial cleanser), si aanu isku badalin waligii, runtiina la daryeelo. Hablaha ila soo xidhiiday ee haysta jidhkan caadiga ah waxaan idin leeyahay walaalo jidhka ugu fiican jidhka bini aadamka ayaad haysataan, markaa si fiican u ilaaliya waligiina isku daya inad marsataan  wax cad ceeda idinka ilaaliya (sun creams)

Waxyabaha loo marsan karo jidhkan caadiga ah (for normal skin type):

  1. Cambe oo kaligii la qasay, loona marsaday sida qasilka, 20 daqiiqadood
  2. Liin macaan iyo tamandho/yaanyo la ridqay iyagana sido kale
  3. Kaabash la ridqay oo isgana loo isticmaalay sida qasilka, kaabashkani wuxuu ka ilaaliya jidhka caadiga ah isbadalka ay ku keenaan saliida ama qalaylka ku dhaca meelo ka mid wajiga, ka bacdi biyo qaboob baa lagu maydhayaa
  4. Beedka inta cad  oo kaliyana sidoo kale, tiiyoo marsiga laga soo bilaabayo xaga sare ee fooda, indhahana laga ilaalinayo. Si waxyabaha kale oo dhan gadhka laga bilaabaya  marsigooda.
  5. Beedka/ukunta inta jaalaha ah iyo saliid saytuun ayaa la isku qasaa dabadeedna wajiga la mariyaa iyadoo loo daynayo 15 ama 20 daqiiqo
  6. Liindhanaanta oo biyo lagu kar kariyay, hadana la qaboojiyay oo lagu xoqo wajiga iyadoo loo isticmaalayo cudbi, liindhanaantani waxay fiicnaysiisa wareega dhiiga, ka bacdina jidhkani isma badalo qurux dabiici ahna wuu ka helaa…………………!
  7. Muus la shiiday ayaa wajiga la marsadaa 20 daqiiqo kadibna biyo qabow ayaa la iskaga dhaqaa.

Allaa mahad Leh

Amina Abdilahi Mohamed

Holistic therapist & skin specialist

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *