Daryeelka Gacmaha Qalalan

gacmaha qalalan dry handsGacmahaagu waxay ka mid yihiin xubnaha ugu mashquulka badan jirkaaga, waxaad u udeegsataa howlo badan maalin kasta. Dad badani gacmahooda sii fiican uma daryeelan waxayna taasi u horseedaa gacmo engegan oo u eeg inay duqoobeen.

Waxyaabo badan ayaa keeni gacmo qalaylka, waxaa ka mid ah hawada qalalan, qoraxda oo jirka gubta, gacmaha oo dhaqidda laga badiyo, iyo hawada qabow.

Waxaa jira qodobo kale oo dhanka caafimaadka maqaarka la xiriira oo ka qeyb qaata gacmo qalaylka sida cudurka psoriasis iyo cambaarta (eczema).

Ha rajo dhigin. Waa jira waxyaabo dabiici ah oo aad ku daryeeli karto gacmahaaga oo kaaga dhigaya, kuwo jilicsan oo dhalaalaya isla markaana u ekaysiinaya kuwo dhalinyaro.

Hadaba halkaan waxaan kusoo aruurinay dawooyin guri oo u fiican gacmaha qalalan ee qolofta leh:

Saliid zaytuun:

Madooyinka sun saara iyo dufanka caafimaadka leh ee ku jira saliida zaytuunka waxay maqaarka siinaysaa qoyaan, jileec iyo dhalaal. Waxaa intaa dheer ka hortagga gabowga maqaarka.

  • Ku masaajee gacmahaaga, saliid zaytuun diirran mudo 5 ilaa 10 daqiiqo ah maalin kasta.  Waxay gacmahaaga ka nadiifinaysaa madowga iyo qalaylka wayna kuu jilcinaysaa.
  • Isku darso Saliid zaytuun iyo sonkor. Marso gacmaha,. Sug 5 daqiiqo dabadeedna iskaga mayr biyo diirran. Dawadaan isticmaal 2 goor toddobaad kasta. Waxay kaa qaadaysaa unugyada dhintay (dead skins) wayna kuu qoynaysa gacmaha.

Saliid qumbe:

Dufanka saliida qumbaha waxa uu wanaagsan jirka qalalan . Saliidaan waxay u roon tahay jirka ay gubeen falaaraha cadceeda ee loo yaqaan “ultraviolet rays”.

  • Marso gacmaha saliid qumbe diirran. Sid tartiib ah ugu daliig habeenkii ka hor intaadan seexan. Xiro gacmo gashi (gloves) Sidaan samee habeen kasta

Malab:

Malabku wuxuu qooyaaa maqaarka, waxaana ku jira waxyaabaha jirka sunta ka saara. Waxuu gacmahaaga siinayaa jileec iyo dhalaal, gabowgana wuu ka hotaggaa.

  • Marso gacmaha xoogaa malab ah. Sug 1o daqiiqo dabadeedna iskaga mayr biyo qandac ah.
  • Taa beddelkeeda,  waxaad isku darsan kartaa dhowr dhibcood oo biyaha liin dhanaanta ah 2 qaado oo malab ah iyo saliid zaytuun. Marka ay kugu qalashan biyo qandac ah kaga mayr. Waxay kaa ilaalinaysaa gabowga, qalaylka iyo in bilicda gacmaahaagu ay hoos u dhacdo. Wasakhdana way kaa nadiifinaysaa. toddobaadkii dhowr jeer ayaad dawadaan isticmaali kartaa.

Dacar (aloe vera):

Waxay qoysaa dubka qalalan ee qolofta leh waxayna kobcisaa bilicda jirka.

  • Waxaad gacmaha marsan kartaa jeelka dacarta. 1o daqiiqo kadibna iskaga mayr biyo diirran. Waxaad isticmaal 1 ama 2 goor maali  kasta.

Biyaha liin dhanaanta:

Liin dhanaantu waxay nadiifisaa maqaarka, wasakhda ayay ka qaadaa. Waxay ka caawin kartaa qacmo qalaylka. Sidoo kale waxay kor u qaadaa bilicda maqaarka.

  • Waxaad isku darsan kartaa liin dhanaan, malab iyo kicisada burka. ku masaajee gacmaha 5 daqiiqo kadibna iska mayr biyo qandac ah.

Moos bisil:

Waa dawo guri kale oo fiican gacmo qalaylka. Gacmaha ayuu qoyaan, waxaana uu caawiyaa daweynta calaamadaha gabowga maqaarka (wrinkles).

  • Soo qaado moos aad u bislaaday, burburi oo  gacmaha marso, 30 daqiiqo kadibna iska mayr biyo cad.

Avocado:

Miraha avocado da waxa ku jira fiitamiinnada A, C iyo  E iyo weliba monounsaturated fats oo caawiya ka takhalusidda qalaylka maqaarka. Waxay gacmaha kaaga dhigaysaa kuwo muuqaal dhalinyaro leh.

  • Isku darso jeex avocado ah iyo 1 qaado oo malab ah. Marso gacmaha, udaa 10 daqiiqo kadibna iskaga mayr biyo qabow. Sidaan samee dhowr goor toddobaadkii.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *