Daryeelka Dhegaha

daryeelka dhegahaDheguhu waa mid ka mid ah lixda lexaad ee Soomaalidu ka ducaysato inaysan beelin. Waa aalada jirkeena iyo nolosheena u sahasha inay wax maqasho. Qofka dhegaha la’ waxaa la yiraahda dhegool, halka kan yara dhego culus aan ugu yeerno dhukane.

Dhego’la’aanta ama dhukanaanta waxaa keena jirrooyin kala gedisan oo waxyeeleeya habdhiska maqalka. Mararka qaar jug ama dhaawac soo gaara dhegaha waa galaaftaa maqalka. Sidoo kale, waxaa jira carruur ku dhalata dhagoolenimada.

Sida jirka qaybihiisa kale dheguhu waxay u baahan yihiin nadaafad.
dhibaatada nadaafadeed ee ugu wayn ee dhegaha soo wajahda waa marka dhegta uu ku xirmo Dhukayga. Dhukaygu waa maado qaraar ah oo is-jiidanaysa oo midabkeedu madaow-xigeen yahay.
Dhukayga waxaa sameeya qanjiro dhegaha ku dhexyaal oo la yiraahdo Sebaceous glands.

Dhukaygu waa difaaca dhegaha ee ugu horeeya waayo wuxuu dabaa jeermiga, boorka iyo cayayaanka laga yaabo in dhegta banaanka uga yimidaan.
Marka daankaagu dhaqaaqo sida raabsiga cuntada ama hadalka ayaa waxaa dhaqdhaqaaqa murqaha dhegta dhexdeeda ah. dhaqdhaqaasi wuxuu sahlaa in dhukaygii banaanka dhegta looga soo saaro.

Mararka qaar dhukaygu wuu isku dhegaa oo adkaadaa ilaa uu xiro marinta dhegta oo qofka ku keeno raaxo-darro iyo maqalka oo yaraada.

Markaas ayaa loo baahdaa in wax laga qabto dhukayga. Waxaa jira goojooyin la yiraahdo “Wax softener” oo jilciya dhukayga si uu fudud ugu soo dhaco.

– Booqo dhakhtarkaaga haddii aad dhib ka dareento dhegaha.
– Dhaqtarkaagu wuxuu isticmaali karaa biyo cusbo lagu soo dhaqayo dhegta.
– Isticmaal suufka dhegaha oo nadiif ah. Ha isticmaalin qori, istakiin ama taraq si aad ugu nadiifisid dhegta.
-Ha ku shubin dhegta dareeri sida gaas IWM.
– Nadiifi bannaanka dhegta adoo isticmaalaya shukumaan.

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *