Daryeelka Bishimaha

bishimaha3Bishimuhu waa xubin aadami oo muuqata. Bishimuhu waa xubno jilicsan oo dhaqdhaqaaqa, una adeega inay albaab u noqdaan cunto qaadashada iyo hadalka. Waxay kale oo ay bishimaha aadamigu u shaqeeyaan sidii xubno dareen oo lagu gudbiyo muxubada iyo dhoola-cadaynta.

Maadaama ay ku yaalaan banaanka kore ee jirka bishimuhu waxay u nugul yihiin dhaawac iyo dilaac ku yimaado. Mararka qaar waxaa fuula qolof adkaata oo dadka qaar doonaan inay fujiyaan, taas oo ku keenta in bishinti dhiigto ama dilaac yeelato.

Dabiiciyan bishinta Ilaah wuxuu ku dahaaray xuub khafiif ah oo si dabiici ah u subkan oo ka ilaaliya bishinta inay qalasho.

DHIBAATOOYINKA KEENA JIROOYINKA BISHIMAHA

– Is-badalka cimilada, gaar ahaan jiilaalka qaboobaha ah.

– Xasaasiyad ama Allerjiko sida kiimiko (guaiazulene) ku jirta qaar ka mid daawada cadayga, Rooseetada ay milan tahay kiimikada propyl gallate.

– Qoraxda iyo dabaysha

– Fuuq-baxa

– Cabista sigaarka

– Calaamadha ay keenaan qaar ka mid daawooyinka sida Vitamin A, daawooyinka dhiigkarka iyo kansarka.

– Jirooyinka maqaarka

-Jirooyinka sida Kaadi-macaanta

– Nafaqo-darada

SIYAABAHA UGU FIICAN EE LOO DARYEELO BISHINTA

– Ka ilaali inaad si joogto ah u leefto bishimahaaga waayo xuubka loogu talagalay inuu subko, oo ku dahaaran bishinta ayaa qaadmaya.

– Dheecaanada dheefshiidka oo ay ka midka tahay candhuuftu waxay xayuubiyaan xuubka bishinta.

– Ka ilaali jirkaaga fuuq-baxa.

– Ka fogoow inaad taa-taabato bishimahaaga.

– Haddii bishinta qolof fuusho ha isku dayin inaad xoog ku fujiso.

– Haddii bishintu ku qalasho oo ay qolof yeelato waxaad ku subagtaa kareemka Vaseline.

-marso saliida qumbaha waxay daaweysaa dildilaaca iyo qalaylka bishimaha sidoo kalena way qoysaa bishimaha

– Ha joogtaysan isticmaalka Rooseetada afka lagu gaduudsado haddii aysan muhim kuu ahayn waayo qaar ka mid ah rooseetooyinku waxay xasaasiyad ku keenaan bishimaha.

-Cab ugu yaraan 9 koob biyo ah maalin kasta sabtoo ah biyuhu waxay qooyaan jirka, maqaarka iyo bishimaha

– Haddii muddo asbuuc ah ay bishintu buksoon waydo booqo dhaqtarka maqaarka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *