Dariiqada Ugu Horraysa Ee Waalidnimo Waa doorashada Lammaanaha

Waalidnimadu kama bilaabanto ilmaha, sababta waxay dib ugu noqota habka aad ugu doorato aabbaha amma hooyada ilmaha masuuliyadiisa qaadi lahaa. Waxaanay carruurtu racaan, kana ficil qataan dhammaan wax kasta oo waalidkood guriga ku sameeyo. Waa waalidka qofka ubadka ka dhiga inuu noqdo Majoosi, Kiristaan amma Muslim. Wiilku waxa uu masaajidka aaddayaa haddii aabbihii tago, iyadoo ay ku lammaan yihiin xaalado gaar ah.

Sidoo kale, gabadhu waxay xijaabka iyo is asturaada jeclaanaysaa haddii hooyadeed tallaabadaas samayso amma hooyadeed xidhato xijaabka amma dharka asturan, sababtoo ah waxay ku hanuuninaysaa darriiqaas. Sidaa darteed, marka aad guursanayso waa in aad muhiimada siiso xagga diinta, adigoo ka eegi lahaa xagga hantida amma quruxda, taasina waa waanadii amma nasiixadii Rasuulkeena Maxamed (NNKHA).

“Gabadha waxa lagu guursada afar shay; hantideeda, karaamada qoyskeeda, quruxdeeda iyo diinteeda. Waxa fiican in aad guursato gabadha diinta leh, haddii kale waa fashilmi doonta,” xadiiskan waxa soo weriyey Bukhaari.

Umar Bin Khattab oo ka mid ahaa asaxaabtii ugu qiimaha badnayd Islaamka, ayaa la waydiiyey xuquuqda ilmaha yar, kadibna wuxuu ku jawaabay; “ Waa in aabbihii si taxadir leh ugu doora hooyo siisa magac wanaagsan, Qurankana barta.”

Ku Ducayso Ubad Khayr Qaba

Quranka waxaad ka helaysa Anbiyada Ilaahay oo ku ducaysanaya in ubad khayrqaba Ilaahay siiyo, xaqiiqadiina, sababtoo ah waalidku waa sida dalaayada oo roobka la iska celiyo, qoyskuna wuu is dhammaystiraa adduunka.

Marka aad guursato habeenka ugu horreeya ee aad xaaska kulantaan waxaad ku ducaysataan in Ilaahay ubad khayrqaba idin siiyo oo aakhiro iyo adduunkaba idin afnaca.

Quraanka sidoo kale waxa ku jirta ambiyada oo Ilaahay ka baryayaaha ubad fiican sida Suurada Furqaan waxa ku jirta in Ilaahay laga baryo ubad wanaagsan oo hooyo fiican dhasho, tusaalena u noqda wanaaga dadka.

Waqtiyadan dadku inta badan waxay Muusiga u yaqanaan inuu yahay cuntada ruuxda, balse muusigu waxa uu qalbiga ku abuura degenaansho la’aan, waana cadaw ka dhan qalbiga qofka, balse Quraanku wuxuu qalbiga ka qaada dhammaan waxyaaba aan fiicnayn eek u jira. Waxaannu quudiyaa nuuxda, waana u daawo sida uu Ilaahay Quraankiisa ku sheegayna waa u daawo dadka Rumeeya, waxaana muuhad badan ku jirta oo aad u wanaagsan in ubadka la baro si quluubtoodu u noqoto mid degen.

Rasuulka Ilaahay (NNKHA) wuxuu sheegay in “Qalbigu waa sida birta oo wuu daxalaystaa,” kadib dadka ayaa waydiiyiey Rasuulkii oo ku yidhi “Rasuulkii Ilaahayaw maxa nadiifiya,” wuxuu ugu jawaabay; “Akhrinta Quranka iyo xasuusashada dhimashada,” xadiiskana waxa soo saaray Byhaqi inkastoo lagu sheego inuu daciif yahay, haddana waa mid muuijnaya qiimaha uu qalbia u leeyahay Quraanku.

Waxaad caaddo uga dhigta ubadkaaga in ay Quraanka akhriyaan, inta ay yar yihiina ku dul akhirso si ay iyaguna balwad uga dhigtaan marka ay weynadaan, una noqdaan qaar xifiyada.

Xidhiidhka Ilaahay Xooji

Waxaad inta aan ilmuhu caqliga baran u sheegta in Ilaahay yahay ka buuray si ay ugu fududaato marka ay qabriga galaan ka jawaabista su’aashaas, waxaanad si fiican ugu dedaasha inaad diinta  barto, nolosha islaamnima ku barbaariso, adigoo aan ku tusayn inaad ku qasbayso, balse jeclaysiinaya.

Haddii aad qasab iyo jujuub kaga dhigta waxa laga yaaba inuu shaydaankku tuso in guumaysi ku jiro oo la caddaadinaayo, balse si aayar ah oo aan culays lahayn marka hore diinta u bar, kadibna cibaadada mar kasta oo aad tegayso u kaxee si uu isaguna ula qabatimo.

Bud-dhigga Sees Wanaagsan ee Ubadka

Haddii aad doonayso in aad dhisme dhisto amma guri waa in aad seeskiisa adkayso si aanu u burburin, bulshaduna waxay la mid tahay sidaas oo haddii aan jiilka soo koraya seeskooda, dhaqankooda iyo caqiidadooda la dhisin way burburta, gaar ahaan waa in ubadka inta ay yar yihiin la baraa in aan waxyaabaha qaar la samayn si aanay cadaab ugu dhicin, waxyaabaha wanaagsana sameeyaan si ay jannada u galaan, lana tuso oo si fiican loogu sheego waxyaabaha ka reeban ee ay ciqaabta ku mutaysan karaan iyo waxyaabaha ay jannada ku mutaysan karaan. Waxyaabaha aad sida fiican ubadka uga dhisi karto waxa ka mid ah

  1. Tusto sida cajiibka ah ee Ilaahay dunida  iyo waxa ku kor nool u abuuray :

“Waxaannu tusaynaa calaamadahayaga cajiibka ah, ilaa inta ay u kala caddaanayso in ay run tahay,” (Surah Fussilat 41:53).

Sida ka muuqata  Aayadan waxa lagaga hadlaya cajiibka dunida ku duugan, sida shimbirada qurxoon, daruuraha, caleemaha kala midabada duwan ee dhirta iyo wax  kasta oo Ilaahay abuuray mucjisada ku duugan. Qof kasta wuxuu haddii maskaxdiisa loo sawiro, laguna baraarujiyo dib u eegaya sida loo aaaburay iyo mucjisada ku duugan, waxaana muhiim ah in ubadka arrintaas la tuso inta ay yar yihiin si seeskoodu u dhismo.

  1. Mahadnaqa(Shukr):

“Badankoodu ma mahadnaqaan,” odhaahdan waxa lagu soo celceliya Quranka. Mahadnaquna waa wax qof kasta u fiican, gaar ahaan wax kasta oo loo qabto amma Ilaahayba uu u mahadceliyo. Waxaana Ilaahay Quraankiisa ku sheegay inuu jecel yahay kuwa mahadnaqa, Allena u mahadnaqo. Ubadkaaaga bar in ay Ilaahay u mahadnaqaan, qof kasta oo samafal u sameeyana u mahadnaqaan, gaar ahaan haddii aad u keento alaab, macmacaan iyo hadyadba waa in ay muujiyaan mahadnaq. Waxa aad bartaa ubadkaaga inaad tusto in ay ku cimro qataan kuwa mustawe ahaan ka hooseeya, kuna dhiiradaan gaadhida kuwa ka sarreeya, taasoo macnaheedu yahay in iimaankooda aad dhisto si aanay caasi u noqon.

  1. Tayadooda aqooneed seeska ka dhis

Ubadka waxaad ka dhista seeskooda aqooneed ee diiniga iyo maadiga, waxaanad ka dhigta qaar ku dedaala aqoonta, yaraantana waxaad ku tusta in ay awood u leeyihiin barashada cilmiga diiniga ah iyo maadiga si ay noloshooda ugu kaafiyaan, una sheeg in shay kasta oo ku dhaca ay samir u yeeshaan, kuna dhacay Ilaahay dartii, balse loo baahan yahay in laga gudbo, Ilaahayna uu gargaaraayo meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

Waxaad si gaar ah ugu dedaasha in aad barto macnaha magacyada Ilaahay, si ay u xifdiyaan, isugna ilaaliyaan,  adigoo toddobaad kii hal mar la kulmaaya, lana sheekaysanayaa bal halka aqoontoodu marayso, maadaama aad toddobaadkaas oo dhan soo joogtaynaysay barista nolosha wanaagsan.

W/Q: Ibraahim Khadar Siciid

ibraahimkhs@hotmail.com

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *