Dareenka Dadka


1. Mararka qaar waxaa wanaagsan in qofku iska aamuso inti uu dadka u sheegi lahaa dareenkiisa sababtoo ah way ku sii dhaawaceysaa keliya goortii aad ogaato inay ku maqli karaan laakiin aysan ku fahmi karin

2. Waxaan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aynaan rabin in aan aragno laakiin kama xiran karno qalbigeena waxyaabaha aynaan rabin in aan dareeno. Aad bay daruuri u tahay inaanxushmayno dareenka dadka kale.

3. Qofna kaama dhigi karo inaad dareento liidnimo ama niyad-jab ilaa aad adigu u oggolaato

4. Mid ka mid ah dareenada ugu qoto dheer, ugu sareeya, ayna ka buuxdo kalgacal iyo farxad; Waa marki aad si qushuuc leh Salaada u tukanayso adigoo dareemaya inaad Alle hor taagan tahay, waa marki Hooyada ilmihi ay markaa dhashay ay laabta ku qabato, waa marki Aabaha ay gabadhiisa yar dhabtiisa hurdo ku qabato oo ku seexato, waa marki Saaxiibadaa ay kuu taageeraan sida qoyskaaga oo kale, Qoyskaaguna ay kuu taageeraan sida saaxiibadaa oo kale.

5. Jeclow ama ka tag Qalbi ku dhaawacay, balse marnaba adigu ha dhaawicin Qalbi ku jecel. Run waa loo ekaysiin karaa dhoola-cadeyn iyo qosol been ah, laakiin marnaba lagama been sheegi karo ilinta iyo dareenka dhabta ah.

6. Waxa Boon-bale iyo alaab Aduunka yaal si loogu dheelo, dad qaarkii waxay doortaan inay ku ciyaaraan dareenka dadka.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *