Daraasad Shaaca Ka Qaaday Doorka Hurdadu Ka Qaadato Horumarinta Maskaxda

hurdaduCilmi baadhis cusub oo dhawaan laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa si cad u muujisay in Hurdada marka si fiican qofku u seexdo ay yarayso qaladdaadka Maskaxdiisu samayso  khalkhalka ku dhaca qaybta xusuusta.

Sida ay todobaadkan daabacday majaladda lagu magacaabo “Learning and Memory” oo ka soo baxda dalka Maraykanka.  Waxa daraasad cusub oo ay samaysay jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanku si mug leh u cadaysay in Hurdadu yarayso qaladaadka Maskaxda gaar ahaan qaybta xusuusta, sidaa daraadeed ay hurdo ku munaasiba inay seexdaan looga baahan yahay dadka waaweyn  ciyaalkaba.

Haweenayda lagu magacaabo Professor Kimberly Fein oo ah iyadu haweenay ku xeel dheer cilmi nafsiga ayaa sheegtay in daraasadani shaaca ka qaaday kala saraynta heerka aqooneed ee ardayda  dadka waaweyn taas oo jawaab ka bixisay ardayda imtixaanka jawaabaha khaladka ah bixiya sababta ugu wacan  dadka waaweyn ee ilaaba wakhtiga ay dawada qaadanayaan, waxaana la xaqiiqsaday in hurdo yaraantu ugu wacan tahay ilowga  jawaabaha khaldan ee maskaxdu bixinayso, ayay tidhi haweenaydaasi.

Geesta kale waxa ay daraasadani tilmaantay in Hurdadu saxdo khaladaadka maskaxda, taas oo wax badan ku kordhinaysa cilmi baadhayaasha oo hore u aaminsanaa in hurdadu kaliya maskaxda faa’iido u leedahay balse aan la ogayn qaybta ay anfacdo.

Intii lagu guda jiray baadhitaankan waxa tijaabo laga qaaday ardayda jaamacadaha  iskuuladda kuwaas oo wakht kala duwan la waydiiyay tobanaan kalmadood, ka dibna muddo kale la waydiiyay inay kalmadihii sheegaan, ardaydan oo marka hore laba qaybood laga kala dhigay oo kooxna loo ogolaaday inay hurdo ku filan helaan, kuwa kalana laga codsaday inay saacado dhimaan, waxa natiijadii noqotay in ardaydii hurdadda ku filan qaadatay ka khaladaad yaraadeen kuwii kale isla markaana kaga fiicnaadeen dhinaca xusuusta.

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *