DARAASAD: Sababaha Dumarku Usoo Kacaan Aroorta Hore Iyagoo Xanaaqsan

Sida Cilmi baadhis cusub oo ay sameeyeen macadka isku xidhka dad weynaha oo British ah laguna baahiyay baraaha internetka ee ka hadla dabeecadaha dadka waxaa la xaqiijiyay in boqolkiiba 60 dumarku ay subaxda hore soo kacaan ayaga oo xanaaqsan ama caajisan, ama xanuun uu hayo, taasoo jawigooda guud ka dhigeysa in ay subaxdaas ay galaan jawi qaldan oo aan farxad iyo fir fircooni laheyn.

arrintan daraasado badani ay hore u xaqiijiyeen ayaa waxaa iminka isla daraasadan lagu sheegay in la ogaaday sababta keenta in dumarku ayaga oo jaha wareersan soo kacaan subaxdi aroorta hore.

Waxaana arrintan loo sababeeyay dhowr arimood oo kala ah.

1- Waxa ay inta badan dumarku ku riyoodaan nimankooda ama nimanka ay xidhiidhka mustaqbal ee dhaw ay leeyihiin oo hurdada dhexdeeda ku dhiba, isla markaana falal aysan jecleysan sameeya, waxa ayna tani sababtaa in ay dumarku riyada dhexdeeda qeyliyaan, taasoo maskooda iyo neerfahooda ka dhigeysa mid aan deganeyn.

2- Sidoo kale haweeneydu hadii ay tahay mid shaqeysa, waxa ay ku riyootaa goobta shaqada oo dhib uu ka jiro, ama shaqadi oo isku dhex yaacsan, ama maamulaheeda oo canaananaya, uguna hanjabaya in uu shaqada ka eryi doono, sababtaan ayaana loo cuskaday in dumarku maan jilcan yihiin, una nugul yihiin hadba wixi dareenkooda kicin kara.

3- Ayadoo la ogyahay in inta badan qofku inta uusan seexan ka hor waxa ugu danbeeya ee uu ka fikiro ay saameyn ku yeelato riyadiisa habeenkaa, ayaa la sheegay in dumarku ay arintaan aad ugu sii nugul yihiin, tusaale ahaan hadii gabadha ay isku dhacaan gacaliyaha ay shukaansato inta aysan seexan ka hor, waxaa aad u adag in ay hurudo, hadii ay hurudana waxaa hurdadeeda hareysa riyo aan wanaagsaneyn oo shaki iyo was waas ah, taas ayaana keenta in maalintedu ay noqoto mid jah wareersan

Ugu danbeyn daraasadan ayaa sheegtay in ay dhici karto in haweeneydu soo kacdo ayadoo xanaaqsan balse arimahan oo idil uusan quseyn xanaaqeedu, isla markaana xanaaqeedu iska yahay mid dabcigeeda ka mid ah, waxaana daraasadani ay ragga kula talisay in subaxdi aroorta hore aan dumarka wax dood ama hadal dheer ah lala furin, taasoo dhalin karta xanaaqa iyo jahwareerka oo kusii kordha kuna abuura stress ama isku buuq iyo isla hadal.

Ragga ayaa looga digay inaysan wax muran ah la furin subaxii haweenka islamarkaana ay dadaalo ku bixiyaan sidii ay kaga fogaan karaan xiliyada ay haweeneydu bilawdo muran.

Check Also

guul

8 Tallaabo Oo Muhiim Ah Si Aad U Gaarto Guul

 Isticmaal fikradahaan si aad guul u gaarto: 1.    Fuli Fikradahaaga:  adigoo ka bilaabaya meel macquul ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *