Daraasad Lagu Sameeyay Noocyada Kala Duwan Ee Shaaha Iyo Natiijo Cajiib Ah Oo Soo Baxday

daraasad_lagu_sameeyay_shaahaSida lagu sheegay baadhitaano cilmiyeed lagu sameeyay Shaaha ayaa lagu sheegay inuu yahay mid faa’iidooyin farabadan u leh qofka caba.

Shaaha ayaa kala leh nuucyo kala duwan taaso ku xiran nuuca caleenta loo isticmaalay.

Shaaha Cad: Waa nuuc kamida shaaha oo aan laheyn midabka madow xigeenka ah ee shaaha caadiga uu leeyahay, waxana laga sameeyaa caleen shaah aan la qalajin, dhedhen ahaana waa yara ka dabacsan yahay shaaha madow.

Sida ay cadeeyen cilmi baadhayaasha shaahan ayaa awood uleh inuu ladagaalamo noolayasha aadka u yar yar ee soo weerara jirkeena, sida virus bacteria iwm.

Daraasada tijaabo ay sameysay ayaa lagu cadeeyey in 10 daqiiqo gudaheed 75% bacteriada jirka kujirta inay dhimaneyso taaso kadhalatay antioxidant oo heerkedu aad u sareeyo.

Shaaha cad ayaa sido kale waxa dhakhaatiirtu dadka kula taliyaan in ay isticmaalkiisa badiyaan xiliga kansar ay isku arkaan isagoo ka caawin doona in kansarka aanu si dhaqsa ah ku faafin.

Shaaha Madow: Shaahan ayaa ka sameysan caleen la qalajiye oo midab casaan ah

madow xigeen ah yeeshay, dhedhen ahaan wuu ka xoog badan yahay midka aan kor kusoo sheegnay balse caafimad wuxuu lee yahay faa’iidooyin kaduwan kuwa aan kor kusoo sheegnay.

Shaaha madow ayaa faa’ido uleh cudurrada dhanka wadnaha, dhiig-karka iyo cudurrada kudhaca halbowlayaasha.

Qofki 3 koob ka caba maalin kasta shaahan ayaa lasheegay in ay yaraaneyso fursadaha uu ku qaadi karo kansarka ku dhaca xubnaha taranka gaar ahaan tubada kaadidu soo marto taaso kadhalaneysa maadada Flouride oo aad ugu badan shaaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *