DARAASAD: Dadka Khuuriya Oo Halis Ugu Jira In Wadne Xanuun Ku Dhaco

dadka_khuuriyaCilmi-badhayaal u dhashay dalka Maraykanka, ayaa shaaciyey in qofka hurdada ku khuuriya qaadista cudurka wadna-xannuunka uga halis badan yahay ruuxa laasimay cabbista sigaarka iyo dadka aadka u buurbuuran.

Khubaradani waxay sheegeen in khuuradu keento qarada dhuumaha xididda dhiigga qaada ee Arteries-ka oo weynaada, taasina sababto waxa loo yaqaan haemorrhages (xaalad xididdada dhiigga qaada uu dhiig dibadda uga fakado), kadibna dhiiggaasi dhaliyo in qaybo ka mid ah maskaxda iyo wadnuhu shaqada joojiyaan amma uu qofka asiibo cudurka waax-qallalka.

Waxa kaloo cilmi-baadhistu sheegtay in rubuc ka mid ah haweenka ku dhaqan Ingiriiska iyo tobankii afar ragga dalkaas ku nool ay khuuriyaan, iyadoo intaa ku dartay in caadi ahaan dadka kala badh lagu arko khuurada, waxaanay tilmaameen saynisyahannadu in khuurado xambaarsan tahay halis caafimaad-darro oo weyn.

Khubarada diyaariyey daraasaddan oo ka tirsan Jaamacadda Detroit ee dalka Maraykanka, ayaa helay n khuurada joogtada ah adkayso gidaarrada dhuumaha dhiigga qaada ee artery-ga, kuwaasoo maskaxda gaadhsiiya dhiigga hawada Oxygen-ta leh.

Daraasadayadu waxay caddayn u heshay in khuuradu si cad u waxyeellayso caafimaadka. Si aanad haddaba adigu isu waxyeelalyn amma aanad dhib u gaadhsiin dadka kula wadaaga goobaha hurdada sida ugu dhaqsaha badan dhakhtar u doono.” Sidaa waxa yidhi Dr. Rober Deeb oo ka socday Cusbitaalka Henry Ford Hospital oo ku yaal magaalada Detroit, daraasaddanna hoggaaminayey.

Sidoo kale, Dr. Deeb waxa uu sheegay inay haatan wadaan cilmi-baadhis ay ku raadinayaa samaynta daawo lagaga hortegi karo khataraha caafimaad ee ku lammaan khuurada.

Cilmi-baadhistan oo ay lagu baadhay 1,500 qof waxa lagu ogaaday inay khuuradu 4.8% jeer masuul ka tahay dhimashada dadka adduunka.

Ibraahim Khadar siciid

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *