DARAASAD CUSUB: Dadka Khudaarta Cuna Oo Ka Cimri Dheer Kuwa Hilibka Cuna

Sida lagu sheegay cilmi baaris cusub oo dhawaan la soo saaray, dadka sida joogtada ah u isticmaala noocyada kala duwan ee khudradda cagaaran ayaa ah kuwo inta badan ay yartahay in ay soo food saarto halis xagga caafimaadka ah, islamarkaana ay ka dhimasho yar yihiin marka loo bar- bar dhigo dadka iyagu isticmalaala hilibka.khudaarta

Cilmi baarista ayaa sidoo kale lagu sheegay in khudaar cunayaashu ay ka caafimaad qab wanaagsanyihiin dadka iyagu hilibka u cuna sida waalida ah .

Khuburada soo diyaarisay cilmi baaristan islamarkaana ka tirsan jaamacadda Loma Linda ee gobolka California ee dalka mareykanka ayaa qaba in ay aad u yar tahay khatarta caafimaad ee soo wajahda khudrad cunayaasha .

Cilmi baarayaasha ayaa u kuurgalay in kabadan 70,000 oo kiis intii lagu guda jiray todobaadkii bandhiga daraasadeedkan oo qaatay muddo dhan 6 sanadood iyadoo inta badan ka qeybgalayaashuna ay ahaayeen kuwo si joogto ah u adeegsada khudaarta cagaaran.

Muddadaasi dheer kadib cilmi baarayaashu waxaa ay tilmaameen in ay ogaadeen waxa ay ku qeexeen ogaalka xaddiga khatarta leh ee dhammaan waxyaabaha sababa xaddiga dhimashada dadka 12 % ay aad uga yartahay kuwa isticmaala khudradda marka loo bar bar dhigo dadka kale ee aan iyagu khudaarta isticmaalin.

Natiijada darasaadani ayaa muujisay sidoo kale in cunista badan ee khuraddu ay si aad ah hoos ugu dhigto xaddiga dadka u dhintay xanuunada ku dhaca wadnaha iyo sidoo kale xinjirowga ku yimaada dhuumaha dhiiga qaada ee jirka aadanaha .

Cilmi baarayasha ayaa ugu danbeyntii sheegay in dadkii ka soo qeyb galay daraasadan guud ahaan ay ahaayeen dad waaweyn si aad ahna u jecel in ay guursadaan, kuwo sigaar cabidoodu yartahay islamarkaana in badan sameeya jimicsiga oo weliba muuqaal ahaan dad dhuu -dhuuban oo caato ah.

Check Also

Faa’iidooyinka Cajiibka Ah Ee Muusku Jidhkeenna U Leeyahay

Muusku waa mid kamid ah khudaarta ugu caansan uguna waxtarka badan xaga caafimaadka ee laga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *