Daraasad Caafimaad Oo Bayaamisay In Jimicsiga Aroorta Hore Uu Yareeyo Amateedka

jimicsiga amateetkaDaraasadan caafimaad ayaa cadysay in jimicsigu aannu saamayn oo kaliya tamarta qofka, balse sidoo kale uu saameeyo amateedka qofka, sida uu sheegay LeCheminant.

Khubaro ka tirsan Jaamacadda Brigham Youth, ee dalka Ingiriiska, ayaa ku sheegay in 45 daqiiqo oo jimicsiga oradka ah ee subaxii la sameeyo ama yareeyo amateedka qofka, isla markaana hoos-u-dhigo gaajada Prof. Jamses LeCheminant iyo Michale Larson oo iyagu cabiray jimicsiga ugu macquulsan ee ay samayn karto haweenay 35 jir ah, iyaga oo tijaabadooda ka duulay dumarka aroorta hore jimicsada, ayaa ogaaday in amateedkoodu hoos u dhaco mar kasta oo ay oradka jimicsigaa sii badiyaan.
Daraasadan waxay caddayn u tahay in jimicsigu aannu saamayn oo kaliya tamarta qofka, balse sidoo kale uu saameeyo amateedka qofka, ayuu yidhi LeCheminant.

Cilmi-baadhistan oo lagu daabacay boga Internetka ee arimaha caafimaadka oo la yidhaa Medicine & Science in Sports & Exercise (Wargeyska cilmiga caafimaadka ciyaaraha iyo jimicsiga), ayaa lagu qoray in jimicsigan uu faa’iido u yahay dadka doonaaya in ay miisaanka jidhka ridaan.

Prof. Larson, ayaa isagu sheegay in ay daraasadoodani tahay tii ugu horaysay ee lagu eego neerfisyada sida gaarka ah u goaamiya tabista cuntada inay jawaab ka qataan jimicsida, balse waxa kale oo uu sheegay in cilmi-baadhistoodan u baahan tahay in baadhitaanno dheeraad ah lagu sameeyo, waxannu yidhi: “Mawduuca cuntada rabitaankeeda iyo miisaanka lumintiisu waa arin kakan, balse waxa jira waxyaabo saameeya cunto cunista, jimicsiguna waa mid ka mid ah waxyaabahaas”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *