DARAASAD: Badsashada Cabitakaanka Biyuhu Waxa Ay Hoos U Dhigaan Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca

cabista biyahaDaraasad cusub oo Mareykan ah ayaa lagu ogaaday in cabbitaanka badan ee biyaha maalin kasta ay dadka ka dhigaan in ay xakameeyaan miisaankooda, waxana ay xadeeyaan nuugitaanka jirka ee qiyaasta sonkorta, sodium ka iyo dufanka kasoo keena haleelitaanka cudurada wadnaha.

Cilmi baareyaal ka tirsan jaamacada University of Illinois ee Maraykanka ayaa cadeeyay in cabbitaanka biyo badan maalin kasta ay hoos dhigayaan heerka sonkorta iyo Cholestorel ka baruurta dhiigga ku jirta, daraasadan oo lagu faafiyay natiijooyinkeeda majjaladda nafaqada dadka ee Human nutrition.

Waxay intaa ku dareen in dadka intooda badan ay ka helaan baahidooda dheecaanka jirkooda biyaha iyo cabitaanada kale ee la cabbo, laakiin waxa dhici karta in ay biyaha ka heli karaan marka ay cunaan cuntooyinka qaarkood, sida maraqa, geedka celery, yaanyada iyo xabxabka.

Si loo gaaro natiijada daraasadan, cilmi baareyaalku waxa ay dabagal ku hayeen isticmaalayaal ka badan 18 kun iyo 300 oo ah dadka waaweyn dalka Mareykanka laga soo bilaabo 2012 ilaa 2015.

Cilmi baarayaashu waxay ogaadeen in isticmaalidii dhexdhexaadka ahayd ee maalin kasta ee inta badan ka qaybgalayaashu ay ahayd 2 ilaa 4 koob oo biyo ah maalintii, taasoo oo dhiganta qiyaastii 30% marka la isku geeyo isticmaalkii biyaha ee lagu taliyay maalintii in ay cabaan.

Dhakhaatiirta ayaa waxa ay ku talinayaan in qofka uu cabo inta dhaxaysa 8 ilaa 12 koob oo biyo ah maalintii, mararka qaarna in ka badan, taas oo ku xirnaan doonta miisaankisa ,caafimaadkiisa ,nooca hawlihiisa iyo deegaanka uu ku nool yahay, waxana uu ka heli karaa biyaha cuntooyinka sida, khudrad iyo maraqa, iyo sidoo kale sharaabka sida shaaha, bunka iyo casiirka .

Cilmibaarayaasha ayaa sidoo kale waxa ay heleen cabitaanka 3 koob oo biyo ah maalintii in ay hoos u dhigtay isticmaalka guud ee tamarta ee ka qayb galayaasha qiyaastii 205 (calories) maalintii, iyada oo sido kale hoos u dhigtay nuugista jidhka ee (sodium)ka iyo baruurta jirka.

Cilmibaadhayaasha ayaa waxa ay tilmaameen in biyahu ay ilaaliyaan heerka kulaylka jidhka ee caadiga ah,waxana ay ilaaliyaan dhuuxa lafta, iyaga oo jidhka ka saara wasakhda waxyeellada leh taasoo uu kaga saaraan habka kaadida dhididka iyo dhaqdhaqaaqa mindhiqiraha.

Waxay ku soo gabagabeeyey cilmi baarayaalkani daraasadooda cabista badan ee biyaha ee joogtada ah in ay dhici karto in ay noqoto istaraatijiyad wanaagsan oo lagu ilaalinayo caafimaadka dadweynaha, iyo in la yareeyo isticmaalka (calories) ka badan oo keena buurnida.

Xigasho: Anatolia

Check Also

shaaha liinta leh, shaaha liinta lagu daro, lemon tea

Sirta Caafimaad Iyo Shaaha Liinta Leh

Shaahu wuu noocyo badan yahay faaidadiisana waxay ku xiran tahay hadba nooca caleenta la isticmaalay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *