DARAASAD: 10 Daqiiqo Oo Qofku Xanjo Calaanjiyo Waxay Afkiisa Kasoo Saartaa 100 Milyan Oo Bakteeriya Ah

xanjoCunista xanjada ayaa la ogaaday in ay afka ka saarto amma ka layso bakteeriyada sida lagu sheegay daraasad ay soo saareen khubaro ka tirsan Jaamacadda Groningen ee dalka Netherlands.

Cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in ay heleen in jeex yar oo xanjo ah oo muddo 10 daqiiqo ah qofku calaashado in ay afka ka saarto 100 milyan oo bakteeriya ah, taasoo ka mid ah 10% bakteeriyadda yar yar ee candhuufta ku jirta.

Daraasadan oo lagu qoray wargeyska Plos One waxa lagu ogaaday in xanjadu ugu fiican tahay 30 daqiiqo ee ugu horreeya, wixii intaa ka dambeeyana aanay awood badan u lahayn in ay afka ka layso bakteeriyada amma ka saarto, waxaanay xuseen in xanjadu aanay sonkor ka koobnayd, haddii ay ka kooban tahayna ay quudin lahayd bakteeriyada afka oo aanay saarteen.

Mid ka mid ah tijaabada ay sameeyeen waxa ka mid ahaa in ay dad siiyeen xanjo si ay u calaashadaan, iyagoo u qabtay in ay calaaliyaan muddo 10 daqiiqo ah, waxaanay ogaadeen in 100 milyan oo bakteeriyo ah afka qofkaas dibada looga saaray intii xanjadaas ay calaalinaayeen, mar kasta oo qofku sii calaashada tirade bakteeriyo ah ee afka laga saarayo kor u kacdo.

“Haddii qofk sii calaashado xanjadada waxa is beddela qaabka xanjashada, waxa hoos u dhaca adkaanteeda, maadama afku candhuuftu ku badanayso, balse waxa xanjadu faa’iido leedahay 10 daqiiqo ee ugu horreeya oo ay bakteeriyada afka ka saaro,” ayey cilmi-baadhayaashu daraasadooda ku sheegeen.

Ibraahim Khadar Siciid

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *