Dadka Dunida Maanta jooga!!

  • Goortii aad saaxiibtimo muujiso Waxay u qaadanayaan inaad Shukaansi doon tahay,
  • Goortii aad Daacad tahay waxay u qaadanayaan inaad Xaasid tahay,
  • Goortii aad rabto inaad Keli ahaato waxay u qaadanayaan in Murugo ku heyso
  • Goortii aad Aamusto waxay u qaadanayaan in Islaweyni kugu jirto
  • Goortii aad runta ka hadasho waxay u qaadanayaan in aad Reer u dan leedahay
  • Goortii aad is tiraahdo cid caawi, waxay u qaadanayan in aad Is tus-tus & ha lagaa sheego ka wado,
  • Goortii aad bilowdo in aad Dantaada garato, waxay u qaadanayaan in aad dadki ka go’day oo Buufis bilowday,
  • Goortii aad wada si Nabad ah u socoto waxay u qaadanayaan in Kibir kaa buuxo,
  • Goortii aad hadal dabacsan ku hadasho waxay u qaadanayaan in aad daciif tahay
  • Goortii aad kun wanaag sameyso waa iska indhatiraan, 

Laakiin goortii aad Hal qalad sameyso waxay wadayaan Sanado

Si kastoo ay tahay, si kasta oo ay kuu xukmiyaan, wax kasta oo ay u qaataan ADIGU ha joojin ee joogtee wanaag sameyn iyo in aad u Dhoola cadeyso, Salaanto, Xushmeyso, u naxariisato, soo dhoweyso, cafiso, caawiso; kuwa runta ah isagama qaadanayaan ee waxay garan qiimahaaga qofnimo.

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *