Caadooyin Qofka Ku Keeni Kara Caafimaad Darro Nafsi Ah, Xidhiidhkiisa Bulshana Burburiya

Waxaa jira aaminsanaan qaldan, anshax iyo hab-dhaqan aan habboonayn, qaab fikir oo aan sax ahayn iyo caadooyin haddaad qabatinto kugu keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo nafsi ah iyo mushkilado bulsho.

waxaan  maanta akhristayaasheenna la wadaagaynaa dabeecado iyo caadooyin shakhsi ah oo dad badani joogto u sameeyaan laakiin ay qasab tahay in dhaqso loo joojiyo, haddii kale u dhow in ay burburiyaan caafimaadka nafsiga ah ee qofka, noloshiisana cadaab u rogaan. Waxa aanay yihiin:

1. Jooji in aad waqti la qaadato dad aan adiga munaasab kugu ahayn, wa faa’ido ahna aan ku soo kordhinayn himilada aad leedahay iyo hiigsigaaga.

2. Iska jir in aad ka baxsato mushkiladahaaga, oo aad naftaada u sheegi weydo runta ah in mushkiladdaasi jirto, waxa la gudboonna yahay in ay ka fikirto xal u heliddeeda iyo la noolaanshiyaheeda.

3. Iska jir in aad naftaada been u sheegto, sida in aad geyso darajo aanay gaadhin ama nolol aanay weli u bislayn.

4. Ha isku deyin ama naftaada ha ku kallifin in ay qof kale noqoto.

5. Weligaa dhacdo hore iyo taariikh aad soo dhaaftay ha ku dheggenaan.

6. Ha ka baqan qaladka, waayo haddii aad qaladka ka baqato hawl ma qaban kartid. Waa tii Soomaalidu hore ugu maahmaahday, “Canaan ka ya yaab, reer Ma doojo”

7. Naftaada ha ku canaanan qaladaad ay hore u gashay, ee bar sidii aanay kuwii oo kale mar kale u samayn lahayn.

8. Ha isku dayin in aad farxadda ku raadiso lacag, iyo wax yaabo aad iibsato.

9. Ha u qaadan in farxadda adduun cid gaar ah kooto ugu xidhan tahay, naftana u sheeg in berriyi ay maalintaadii guusha iyo farxadda noqon karto.

10. Ka fogow caajiska iyo xaglo laabnaanta. Iskana jir in aad ku talax tagto fikirka, waayo waxaa dhici doonta in fikirkaaga badani uu isagu abuuro mushkilado aan jirinba.

11. Weligaa naftaada ha u sheegin in aanay isbeddel diyaar u ahayn. Ma jiro qof dunida ku nool oo naftiisu ay boqolkiiba 100 dareento in ay is beddel u bisishay, xitaa kuwa isbeddelka keena ma ka faa’idaysta, marka hore naftoodu ma cabsi la’a, markaa ku dhiirro.

12. Iska ilaali xidhiidhada sababta u noqon kara qaladka.

13. Xidhiidh iyo saaxiibtinimo hore oo kaa fashilantay awgeed, ha u diidin in aad xidhiidho cusub iyo saaxiibbo cusub samayso.

14. Weliga ha isku dayin in aad qof kasta la tartanto, cid kastana ha isku dhererin.

15. Iska jir in aad ka hinaasto wax qayrkaa haysto.

16. Ha is barin cabashada badan iyo in aad si joogto ah u qoomamayso qalad mar hore naftaadu gashay, halkii ay ka ahayd in aad ka dhigato uun dersi aad kaga taxaddarto in qaladkaas oo kale mar kale kugu soo noqdo.

17. Iska ilaali calool xumada iyo in qaladaadka dadka kale kaaga yimaaddaa ay ku guntamaan uurkaaga.

18. Qayrkaa ha u ogolaan in ay kugu riixaan halka ay doonayaan ama heerka ay ay dadka kale kula macaamilaan oo adigu aanad u arkayn in uu naftaada u qalmo.

19. Waqti ha iskaga lumen in aad dadka u sharraxdo una sababayso berinimada naftaada.

20.  Weligaa ha ku celcelin hawl aad hore u samaysay natiijadeedana u aragtay oo aad og tahay in ay ku dhammaanayso isla natiijadeed hore ee aanad doonayn oo kale.

21. Ha dhayalsan farxadda iyo in aad u muujisoo shucuurtaada badhaadhaha ah.

22. Ha isku mashquulin in hawl kasta oo aad qabataa ay ku dhammaato sida ugu dhamayska tiran, haddii kale aad ka joogto.

23. ISka jir in laba talo oo kasta aad doorato tooda fudud ee aan kaaga baahnayn dadaalka iyo tacabka badan. Mar kasta ha doonin in aad dariiqa fudud marto, ee mararka qaarkood ku dadaal in aad samayso ficillo dadka qaar u arkayaan in aanay caadi ahayn.

24. Iska jir in aad mar kasta ku dadaasho inaad muujiso in wax kastaa ay saxan yihiin ama halkii ugu wanaagsanayd joogaan iyada oo aanay sidaa ahayn. Ma jirto dhib ka xanuun kulul in aad ku noolaato xaalad ah is diidsiinta duruuf run ah oo jirta.

25. Iska jir in aad dadka kale ku canaanato mushkilado adiga ku haysta.

26. Ha isku kallifin in aad wax kasta adigu sed bursi ku hesho ama sida caddaaladda ah aad uga qayb gasho, ogolow in aad marar badan ku qanacdo in lagaa sad bursado.

27. Iska jir warwar joogto ah iyo diiqad nafsi ah oo aanad garanayn sababtiisa runta ah iyo in sababtaasi u qalanto dhibta shucuurtan ka soo gaadhaysa naftaada.

28. Maankaaga iyo maalkaaga oo dhan ha isugu geyn in aad ka hortagto sidii aanu u dhici lahayn wa aanad doonayn.

29. Ha isku kallifin in aad mar kasta dadka tusto in aad xaalkii ugu fiicnaa ku jirto.

30. Xaal kasta oo ku soo mara Alle ugu mahadnaq macaan iyo qadhaadh mid kasta oo uu yahay.

Kamaal Marjaan

Check Also

Asbaabaha Keena Midabada Indhaha Oo Isbedela

Bu’da iyo wiilka indhaha aadamuhu waxa ay leeyihiin midabbo kala duwan, laakiin boqolkiiba 70 dadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *