Dabeecadaha Ninka Guurka Kahor iyo Guurka Kadib

Guurka kadib, guurka ka horBuug aad u xiiso badan oo laga qoray xidhiidh qoyska ayaa si weyn u qaadaa dhigay mawduucyo badan oo uu ka mid yahay faraqa u dhexeeya qofka guurka ka hor iyo kadib. Kala duwanaanshiyahaas oo uu qoraagu ku qoray afka carabiga, waxa aanay ka hadlaysaa dabeecadaha kala duwan ee ragga guurka ka hor iyo kadib:

Guurka ka hor: Ninku waxa uu neceb yahay in uu laba wajiilenimo ku dhaqmo guurka ka hor.

Guurka kadib: Waxa uu leeyahay weji aan ahayn ka lagu yaqaanno oo dadban, waxa uu si aan niyad ahayn ula dhaqmo soddohdii iyo dumarka la saaxiibka ah xaaskiisa.

Guurka ka hor: Ninku canaan iyo cadho qof ugama gabbado in uu xaqa sheego.

Guurka kadib: Waxa uu ka baqaa in uu runta iyo xaqa sheego gaar ahaan haddii cidda uu ka cabanayaa ay tahay qaraabada xaaskiisa.

Guurka ka hor: Wax uu niyaddiisa ku hayo ayuu afkiisuna rumeeyaa.

Guurka kadib: Wixii qalbigiisa ku jira halkiisa ayuu ku ilaaliyaa, afkana wax kale ayaa uu ka sheegaa.

Guurka ka hor: Waxa uu xiiseeyaa akhriska qisaska jacaylka ah iyo mawduucyada ka waramaya arrimaha qoyska.

Guurka kadib: Waxa uu jecel yahay in akhriska iyo dhegeysiga siyaasadda iyo war kasta oo ka fog arrimaha dumarka.

Guurka ka hor: Waxa uu jecel yahay in uu dhegeysto sheekada iyo warka gabadha uu la haasaawayo.

Guurka kadib: Waxa uu ka ordaa in uu maqlo sheekada iyo wararka xaaskiisa, isaga oo ka cabsi qaba in ay u sheegto mashkilado in uu xalliyo u baahan ama cabasho aanu waxba ka qaban Karin.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *