Dabeecadaha Noocyada Shakhsiga Bini’aadanka Ah

dabeecadaha dadkaWaxaa jira daraasado badan oo laga sameeyay noocyada dabeecad ahaan ee bini’aanka iyo shakhsiyad ahaantiisa. Daraasadahaas badan hal nooc iskuma raacin oo way isku khilaafeen mana la gaarin soo gaba gabeenta si loo sifeeyo shakhsiyada qof walba oo aadane ah. Waxay wax badan ka yiraahdeen shakhsiyada marka la sifeeyo waxaa weeye isku dhaf ka kooban dareen ahaan raxmad caqli iyo fal iyo falcelin taasoo ka dhalan karta digtoonaan, ku dhiiranaan, saamixid, fariidnimo,  deeqsinimo, bakheelnimo iyo macangag. Sifooyika marka la sii guda galo waxay ka yiraahdeen, shakhsiyaadka waxay u qeebsamaan,

1. Caqli ahaan mid bulshada kula dhaqma oo muuqaalkana eega.

Waxa uu leeyahay shakhsigaan calaamadahaan,

  • Waxa uu wax ku egaa qaabka sawirka ah waxa uuna ka hadlaa waxuu arko kaliya
  • Waxa uu jecekyahay inuu xiriir la yeesho dadka kale waxa uuna fahmanaa xareenka dadka kale
  • Marka uu hadlaayo hadalka waa uu boobsiiyaa waxaana u sabab ah sawirka uu ku haysto maskaxdiisa.
  • Qalbigiisa waa mid saafi ah waxa keenaya xasaasiyada iyo mushkiladaha maalintii
  • Waxa uu dhex gala dadka waxa uu kasabadaa kalsoonidooda iyo ixtiraamkooda.
  • Waxa uu jecelyahay shaqada maalintii ah shaqadiisa inay dadka arkaana uan muuqato waa uu ka helaa
  • Shaqada kaligii ah ma jecla kumana sabri karo
  • Waxa uu ka helaa arimaha bulshada waxbadana wa auu ka qabtaa
  • Waa mid deeqsi ah dadkana wax siiya kalsooni badan si dhaqso ah

    2. Caqli ahaan mid gooni u socod ah oo dhug badan.

Sifaadkisa waxaa ugu muhiimsan shakhsigaan,

  • Waxa uu muhiimada siiyaa kalmadaha hadalka ah iyo oraahda
  • Wa mid war gaaban hadalkiisa ilaaliya
  • Waxa uu jecelyahay inuu dhageesto dadka kale in badan
  • Waxa uu u janjeeraa warka la yiraado ee uu maqlo
  • Waxa uu ka helaa kalinimo waxa uuna necebyahay buuqa shanqadha iyo fowdada
  • Awood badan uma laha inuu xiriir badan sameeyo dadka isku xiro dadkana wax badan la wadaago
  • Waa mid ka fiirsi badan oo xisaab badan iskumana kalifo in uu horay shaqada u galo mana jecli hal haleelka howled.
  • Waxa uu ku fiican yahay wax barista khariirad u jeexid si daganaan ay ku jirto
  • Waxa uu qabo si cad ayuu u sheegaa
  • Caalamka waxa uu arkaa hadalka markii uu cabirayo
  1. Dareen haan mid fudud gooni u socod ahna.

Shakhsigana waxa uu leeyahay qaabkaan

  • Waa hadal gaabanyahay
  • Hadalkiisa waa mid mugleh wata dhawaq xoog leh
  • Waxa uu dareemaa masuuliyada badan mabaadidana aad ayuu u dareema had iyo jeer

Wuuna ku shaqeeyaa.

  • Waa mid xishood badan ka lab laabasho badan qofka ka soo horjeeda kama helo inay isku dhacaan mana jecli dhiiranaanta shaqo cusub iyo so soscodka badan
  • Waxa uu ka shakiyaa inuu wax qaban karo iyo suuragalnimada waxa uu rabo
  • Ma jecli la xiriirka dadka hadii uu dhex joogaba  waxa uu ka boodaa kalmad yar

Waa uu qarsadaa laakiin waxay ka soo shaac baxdaa mar mar

  • Waa mid u fiirsada dadka kale naqdin badan markuu kaligii yahay amaba uu la xiriiro dadka qaar
  • Wax ma hogaamin karo muuqaal ahaan waxa uu egyahay mid la hogaamin karo laakin waa mid adag oo amar diid ah
  1. Bulsho la dareenle.

Shakhsiga waxa uu leeyahay sifaadkaan

  • Waa mid dhaqdhaqaaq badan firfircoon
  • Dareenkiisa waa uu is bedbedlaa kuma sugnaado hal shey
  • Waa mid ku daran jaceelkiisa iyo nicidiisaba iyo wax naqdintiisaba
  • Hogaaminta kuma haboona waxa uu ku wanaagsan yahay shaqo gaaban
  • Jawiga dagan inuu kiciyo waa ku hagaagsan yahay waqti gaaban un
  • Kuma guuleesto inuu dhiso xiriir ama cilaaqo waarta laakin dhisdeeda waa u sahlantahay
  • Waa run badan yahay mana garanaayo wax maldihid
  • Ma jeclo kalinimo howl kaligii loo diray.

Afartaan qeeb oo ay darsaada sheegtay kaliya maha dabciga aadanaha waxaa jira kuwo badan oo kala ah

  • Mid dagan
  • Mid ad adag
  • Mid iska furfuran
  • Macangag
  • Mid mucaarad un ah
  • Mid qaboow
  • Mid gaabis badan
  • Mid ka noqnoqosgo badan
  • Mid casabi ah xanaaq badan
  • Bulshaawi
  • Mid soo jiidasho badan
  • Bashaash
  • War cade
  • Xasaasiyad badane
  • Wanaag sheeg
  • Xumaan sheeg
  • Shaki badane
  • Xukun jecle
  • Talo badane
  • Talo jecle
  • Isla weyne
  • Faan badane
  • War badane
  • Gooni u socod

Waxaan ka soo qornay kana soo xiganay cilmiga arimaha bulshada iyo cilmi nafsiga. Waxaan filayaa inaad wax badan ka faaiday oo ogaatay. Shakhsiyadaada dhis oo noqo mid leh sifaadka wanaagsan kana fogoow isfaadka xun xun.

Qoraa: Warsame Maxamed Nuur

Check Also

Tallaabada Koobaad ee Guusha – Hadaf!

Ma guul ayaad raadinaysaa? Ma waxaad doonaysaa inaad ku guulaysatid waxbarashadaada? Mise shaqadaada? Mise ganacsigaaga? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *