Dabeecadaha Iyo Dhaqamada U Gaarka Ah Ragga Balse Dumar Badan Aysan Fahamsanayn

sirta noloshaSida sunaha noloshu yahay kala duwanaanta lamaanaha waxa ay wax badan ka tartaa hab dhaqanka nolosha aadamiga, sidoo kale waa astaan muujinaysa sida labada jinsi ee Raga iyo Dumarku ugu kala duwan yihiin qaabka loo waajaho xidhiidhka qoyska, waxa jira arimo badan oo sir u ah ninka kuwaas oo hadii wehelkiisu fahamto ama si balaadhan ugu dhug yeelato, yarayn kara in is faham daro dhacdo.

Waxa dunida la isku raacsan yahay in labada qof oo is fahmaa ka qiimo badan tahay jacayl badan oo dhex mara. Jacaylku waa tix galin, hasa yeeshee khilaaf jacayl ku lamaan yahay ma dhalo, Kalgacayl waara. Waxa jira cilmi baadhis tira badan oo dadka daneeya hab dhaqanka nolosha lamaanuhu ay ku sameeyeen ama marar badan ka diyaariyeen faraqa u dhexeeya iyo arrimaha sirta ah ee haweenayda looga baahan yahay inay wehelkeeda nolosha ka fahamto. Waxyaabo badan oo xeel-dheerayaasha cilmiga lamaanuhu liiskooda ku taxeen ayaynu ka soo qaadan karnaa dhawr arimood oo ay ku kala duwan yihiin haweenka iyo ragu.

Sida warbixino badan oo laga diyaariyay muujinayaan, waxa ka kow ah wadaagista ama wada samaynta hasaawe marka ugu horaysa, taas oo sida haweenaydu u gashaa, in badan ka fududahay habka ninku u waajaho, ragu waxay daneeyaan inay wakhti siiyaan qofka noqonaysa wehelkiisa nolosha, taas oo in badan haweenka ku keenta shaki. Waxa kale oo jira in marka labada qof bilaabaan haasaawaha ay haweenaydu jeceshahay in ninku u dedajiyo dareenkiisa, halka uu ninku ka jecel yahay in wax walba ficil ku muujiyo.

Weedha ‘waan ku jecelahay raggu ahmiyad badan ma siiyaan’, balse waxay ka door bidaan inay taa beddelkeeda abuuraan ficil dhab ah oo muujiya jacaylka runta ah ee uu u qabo. Doorashada ragu ku xushaan xaaska uu guursanayo waa mid 80% u dhow inay tahay ta kaliya ee uu nolosha dhamaanteed la qaadanayo, xitaa raga guursanaya haweenay labaad hadii ay suura gal noqon lahayd in marwadiisi hore lagu soo dhex daro, wuxuu 95% dooran lahaa iyada lafteeda mar labaad iyo sadexaadba ama qof u dabeecad iyo dhaqan eg. Waxa jira oo had iyo jeer raga iyo dumarku ku kala duwan yihiin, dhagaysiga, daawashada iyo akhrisashada waxyaabo macluumaad kala duwan ah, kuwaas oo u badan in ragu jecel yahay inay ku kaliyaystaan, halka dumarka laftoodu waxyaabaha ay daneeyaan ay iyaga qudhoodu gaar inay la noqdaan door bidaan, taasi waa astaan loo baahan yahay in sideeda loo dhaafo oo lagu tix galiyo,

hasa yeeshee waxa xusid mudan inay jiraan arimo ninku u arko kasbashada wehelkiisa inay yihiin kuwaas oo haweenku aanay wax badan jawaab ka soo celin, sida ciyaarta, jimaaca iyo wada tashiga arimaha qoyska dhamaantood wuxuu ninku u daneeyaa ama u sameeyaa sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen jacayl dhex mara isaga iyo xaaskiisa. Arrimaha kale ee ragu ka gaabsadaan, haweenkuna u qaataan in ragu diidan yihiin, waxaa ka mid ah farriimaha iyo su’aalaha ay sida ka diska ah u waydiiso haweenaydu kuwaas oo ragu door bido inay aamus kaga jawaabaan, iyagoo sababo jira awgeed u samaynaya, waxa jawaab deg deg ah oo ninku ka bixiyaa keeni kartaa waxaan lagu tala galin oo aan qorshaha ku jirin.

Check Also

dabeecadaha dadka, Noocyada Shakhsiga,

Dabeecadaha Noocyada Shakhsiga Bini’aadanka Ah

Waxaa jira daraasado badan oo laga sameeyay noocyada dabeecad ahaan ee bini’aanka iyo shakhsiyad ahaantiisa. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *