Daawo Xaflad Balaaran Oo Qalin Jabin Ah Oo Loo Qabtay Arday Soomaaliyeed

Xaflad qalin-jabin ah oo sannad walba loo qabto ardayda ka baxda dugsiyada sare ee magaalada Columbus ayaa sannadkii shanaad mar kale maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Hilton.

Waxaa xafladda ka qayb-galay aqoon-yahanno, waaliddiin, arday, mas’uuliyiin xafiisyada dowladda iyo marti sharaf kale. Intii ay xafladdu socotay waxaa laga hadlay ahmiyada waxbarashada iyo sida ay uga qayb-qaadato dhismaha nolosha aadanaha iyo fahamka hannaanka dunidu u shaqeyso.

Prof. Jibriil Maxamed oo xafladda furay ayaa ka sheekeeyay sidii barnaamijkan deeqaha waxbarashada ee sannad walba loo qabto ardada Soomaaliyeed ee ka qalinj-abiya dugsiyada sare ee Ohio uu ku billowday. Jibriil ayaa sheegay inay ujeeddadu tahay in ardayda Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo waxbarashada iyo in ay dareemaan in bulshada Soomaaliyeed ay ku farxayso horumarkooda dhanka waxbarashada.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay muhiim tahay in bulshadu ay si weyn uga qayb-qaadato waxbarashada isagoo tusaale u soo qaatay barnaamijkii Kediska ee lagu tartansiin jiray iskuullada Soomaaliya.

Dr. John Stanford oo ah madaxa dugsiyada magaalada Columbus, OHIO ayaa u hambal-yeeyay ardayda qalinjabisay iyo waalidiintood, isagoo tilmaamay in maamulkiisu la dhacsan yahay sida Soomaalidu waxbarashada ay ugu dadaalaan.

Qaar ka mid ah ardaydii dhammeysay dugsiga sare ayaa helay deeqo waxbarasho oo loogu magac daray (Somali Pride Scholarships) ayaa la guddoonsiiyay 10 arday oo ka koobnaa shan wiil iyo shan gabdhood.

ardayda3

ardayda

arday

arday soomaaliyeed

arday somaliyeed

arday somalida

arday somaaliyeed

arday somaalida3 arday qalin

arday qalin jabisay

arday qalin jabin

arday badan

Deeqo Shire (SONNA)

Deeqosonna@gmail.com

Columbus, Ohio

Check Also

doorashada takhasuska wax barasho

Doorashada Takhasuska Waxbarasho

Ma doonaysaa inaad doorato takhasuska kugu haboon? Haddiiba aanad haynin kii aad kuugu haboonaa sided …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *