Daawo Video Mo Farah oo isbitaal loola caray kadib markii….

Orodyahanka dhalasho ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ee haysta biladaha dahabka horyaalka orodada 10 kun mt iyo 5 kun ee Mo Farah ayaa isbitaal loola cararay kadib markii uu dhulka ku dhacay markii uu kaalinta labaad ka soo galay tartanka half-marathon ee ka dhacay New York City.

Mo Farah ayaa dhacay xili tartanka kala bar marayay, laakiin dadaal uu sameeyay kadib ku guuleystay in uu kaalinta labaad ku dhameysto. Waxaana fursadaasi ka faa´iideystay orodyahan reer Kenya ee Geoffrey Mutai oo kaalinta koowaad galay.

Mo-Farah-collapsing-1

Mo ayaa labada lugood la issugu dhuftay, taasoo keentay in uu dhaco, waxaana la arkayay markii uu ciyaarta dhameystay isagoo lagu qaadayay gaariga cuuryaamiinta lagu riixo.

Orodyahanka asalkiisa Soomaaliga ah balse u orda Britain ayaa da´da 3-aad galay, wuxuuna tartankaan New York uu ku guuleystay 2011, laakiin sanadkan waxaa dhicidiisa ka faa´iideystay Mutai kaasoo kaalinta koowaad ku dhameystay.

HOOS KA DAAWO  SAWIRRO IYO VIDEO 

Mo-Farah-collapsing-4

Mo-Farah-collapsing-2

 

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Check Also

Weedho Ama Oraahyo Murti Leh

1. Gabar kasta oo careysan ama murugaysan waxaa ka dambeeya nin aan wax fikrad ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *