Daawo Qoraaga Xadka Ridada Maxaa Ka Run Ah Oo Yiri Dhiigeyga Sh. Umal ayaa loo haystaa

Qoraaga “Buuga Xadka Ridada Maxaa Ka Run ah”Cabdi Saciid Cabdi ayaa si kulul ugu jawaabay fatwadii uu jeediyay Sheekha caanka ah ee Sh. Maxamed Cabdi Umul, isagoo ku eedeeyay inuu xalaaleeyay dhiigiisa, haddii dhibaato soo gaartana loo haysto Sh. Umul.

Cabdi Saciid Cabdi ayaa sheegay in Wadaaduna ay aheyd inay ku sifoobaan wanaaga iyo madaa’diida Shareecadda Islaamka fareyso, taasoo uu sheegay in uu baal maray Sheekh Umul, sidoo kalena wuxuu sheegay in Diinta Islaamka Muslimiinta ka reebtay xadgudubka iyo colaada.

Fariin Muuqaal ah oo soconeyso 33 daqiiqo ayuu kaga hadlay fatwadii Sheekh Umul uu ku gaaleysiiyay, isagoo siyaabo kala duwan ugu hadlay, wuxuuna tilmaamay in Sheekh Umul da’ahaan uu ka wyen yahay, qalinka iyo waxbarashadana uu ugu horeeyay hadey Diin ahaan laheyd, isagoo iftiimiyay in uu ka baxay Kulliyada Shareecadda Islaamka ee Umul Qura ee Makka Al-Mukarama.

Qoraaga ayaa sheegay in hab dhaqan fool xun ay kula dhaqmeen Wadaadada sida uu hadalka u dhigay, isagoo tilmaamay in Hotelkii uu deganaa oo Wadaado ay lahaayeen ku amreen in uu isaga guuro.

“Ma garan sababta foosha xun ee hotelka isaga guur ley yiraahdo, waxaayse dadkii dhan is yiraahdeen haddii hotelkiina dhexdiisa ku dishaan fal dambiyaadka ayaa idinku cadaanaya ee dhiigiisa iska dhaqaajiya inay aheyd” ayuu yiri Qoraaga.

 

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *