Daawo Gabadhaan Iyo Siday Dhalinyarada U Qiiro Galisay, ALLA COD KARSANAA

Sida la wada ogsoon yahay dhalinyarada waa tiirka ugu muhimsan ee bulshadda, isla markaasi na dhallinyaraddu waa mustaqbalkii dalka, waa wax soo saarkii dalka, iyo waa lugahii uu dalka ku socon lahaa.

Muuqaalka aan halkaan idin kugu hayno ayaa ku saabsan gabar da’a yar balse caqli badan oo dhalinayarada ku dhiira gelinaysa inay u soo jeestaan sidii dalka looga samata bin lahaa dhibaatadda iyo dacdaradda haysata shacabka soomaaliyeed kuwa ku nool guddaha iyo dibaddaba,  waxayna xasuusisay in howshaasi ay sugeyso dhallinyaradda maanta wax baratay oo dalka iyo dadka  in ay nabadii iyo bilicaddii dalka aad dib u soo celiyaan.

Gabadhaan ayaa dhallinyaradda u sheegtay in looga baahan yahay in ay meel kasta oo ay joogaaan in is uruursaddan iyagoo iska kaashanaayo halgan waddanimo oo lagu baadi goobayo dib u soo nooleynta qaranimaddii iyo sharaftii dalka.

Gabadhaan ayaa u sheegtay in dhallinyarada  ay hurddada ka toosaan isla markaasi na ay ogaaddaan in maanta ay yihiin jiilkii u soo hana qaaday oo laga sugaayey in ay qaranimaddii ceelka ku dhacaday in ay ka soo saaraan looga na baahan yahay in ay ku midoowaan oo aad u dhabar adeegaan sidii dib loogu soo celin lahaa nabadii shalay dalka ka jirtay

Gabadhaan ayaa dhamaan waxay qiiro gelisay dadkii daawanayay iyadoo fariinteeda iyo dardaarankeeda lagu faafiyay goobaha ay bulshadu ku kulanto sida Facebook iwm.

 

Halkaan ka daawo video-ga:

Check Also

Shaqsiyad Wanaagsan

3 Arimood oo ka qayb-qaadan karta in aad dhisato Shaqsiyad Wanaagsan

1. Marnaba habalan qaadin waxa aadan oofin karayn: Waa muhiim mararka qaaar in aad naftaada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *