Daawo Fanaanada Nimco Yaasiin Oo Sameysay Waxaan Looga Baran Fanaaniinta Soomaaliyeed

Nimco Yasin oo ah fanaanad bulshada Soomaalida caan ka ah ayaa cadeysay iney joojisay Ka heesida Aroosyada iyo xafladaha isla markaana ay u gudubtay heer Caalami wixii hada ka danbeeya, waxaana warkani telefishinka HCTV ka cadeeyay Manager cusub oo ay Fanaanadu sameysatay iyaduna ay dhinac fadhiday markii uu Manager Yasin Cadeynayay.

Arintan ayaa noqoneysa marki ugu horeysay abid ee fanaan Soomaaliyeed uu sameysto Manager ama maamule isaga u gaar ah oo fankiisa gacanta ku haya, wixi xaflado iyo aroosyo ah ee fanaanada looga wacana uu isagu la xaajoonayo marka hore heshiisna la gelayo, waxaana xusid mudan in Maamulahan ay Nimca Yasin sameysaty uu yahay Soomaali balse ku xiran shirkad dalka Faransiiska ka diwaan gashan oo caalami ah.

Manager Yasin ayaa sidoo kale u digay Fanaaniinta kale iney ka fogaadaan soo cusbooneysiin ama Copy ah Heesaha ay qaado fanaanadan hada Caalamiga ah Nimco Yasin waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo tusaale usoo qaatay in Fanaankii ku xad gudba ay kusoo oogi doonaan dacwo iyagoo maraya dhanka Lawyerka iyo sharciga, lacag fara badana ay ku bixinayaan arimahaas oo dhan.

Hadaba waxaa is weydiin mudan habka iyo sida ay ku suurtoobi karto sheegashada Nimco iyo Managerkeeda waayo waxaa jira Heeso aan kala garan la,nahay Fanaanka ama fanaanada iska leh oo Fankeena hareeyay Nimco Yaasiin ay qeyb ka tahay oo waxaa jirta Hees magaceedu yahay MASEYR oo ay wada qaadaan Fanaanadan iyo Fanaanad kale oo dhalinyar AYAAN TALEEX mid walibana uu leeyahay waxaa ii sameeyay Abwaan jooga Australia.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah sharcigani ma qabanayaa Abwaanada heesaha u qeybinaya Fanaaniinta badan mise wuxuu ku egyahay kaliya Heesaha ay Nimco qaado kaligeed.

Bal nala daawo wareysiga Nimco iyo manager Yasin oo ay daadihineyso Wariyada Sanadka Nimco Samriye.

Check Also

Weedho Ama Oraahyo Murti Leh

1. Gabar kasta oo careysan ama murugaysan waxaa ka dambeeya nin aan wax fikrad ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *