Qaababka Loo Maareeyo Walwalka Ardaynimada

Walwalka ardaynimada:

Majiro qof ka tallaalan mawjadaha walwalka ee soo wajaha dadka xilliyada kala duwan, waa shay loo siman yahay oo qof walba ku dhici kara, waa xaalad caafimaad oo wajiyo badan soo marta, mar waxay u baah naataa talo iyo tusaale qofka la siiyo, mar waxay u baah naataa ag jooga ehelka iyo ku dhex jiridooda, halka ay mar marna u baah naato dawayn iyo in dhakhtar la tuso bukaanka.

Bulshadeenu waa dad muslim ah oo aan aamin sanayn stresska balse ogaada stresska waa xaalad caafimaad oo jirta kuna dhici karta qof walba, muslim iyo gaalba. Balse qaabka loo maareeyo ayaa lagu kala duwan yahay.

Qoraal keena maanta waxaan ku eegi doonaa qaabka loo maareeye walwalka xilliga ardaynimada.

Ardaynimadu waa xaalad gooniya oo wadata cadaadis dheeriya iyo culaysyo kala duwan, waa xaalad uu qofka ardayga ah u baahan yahay is garab taag iyo caawimaad dheeriya. Ardaydu waxay kamid yihiin dadka u nugul walwalka iyo niyad jabka maadaama ay dagaal kula jiraan caqabado badan oo la rabo inay ka gudbaan xilligaas.

Stressku wuxuu qofka ku dhacaa marka cadaadiska saaran maskax diisu uu ka bato qiyaasta tamarta ee ku jirta jirkiisa, hadii cadaadiska saaran maskax daadu uu noqdo mid ka badan tamarta jirkaagu soo saarayo waxaad kujirtaa mawjado walwal iyo walbahaar wata, balse hadii tamar taadu ka badan tahay cadaadiska maskax daada saaran xaaladaadu wey hagaag santahay, waxaa sidaas yidhi mid kamid ah khuburada dhinaca maskaxda caafimaadka ku takhasusay.

Hadii aad tahay arday aadna dareentid in maskax daadu daashay, isku dhex yaacday ama ay awoodi wayday maaraynta iyo xalinta caqabadaha hor yaala sida akhriska buugaagta iyo diyaarinta imtixaanada, fadlan isku day inaad raacdid qodobada hoos ku qoran si aad uga guulaysatid dhibaatooyinka ku hor yaala.

1. Ku xidhnow Rabbiga wayn ee na uumay:

Shaki kuma jiro in Allah uu yahay kan xaliya dhibaato kasta oo adoomi hiisa soo wajahda, Ilaali salaadaha waajibka ah, kana fogoow xumaha, salaada waa furaha farxada iyo guusha qofka. Hadaad qodobkaas joogtayso walwal iyo stressku wey kugu yaraa nayaan.

Hurdadu waa qodab kale oo muhiim u ah caafimaadka qofka, khaasatan ardayga. Isku day inaad seexatid hurdo kugu filan habeenkii si aad maalinkii u noqotid qof firfircoon. Sidoo kale hurda la aantu waxay ka qayb qaadataa cuduro badan sida, sonkorowga, wadna xanuunka, niyad jabka iwm. hurdo la aantu waxay kaloo keentaa dib u dhac qofka ku yimaada iyo niyad jab aan xad lahayn.

Cun cunto caafimaad leh:

Cuntadu waa shay lagama maar maan u ah jirka qofka, si aad u noqotid mid caafimaad qaba oo kasoo baxa shaqooyinka kuu yaal waa inaad cuntaa cunto isku dheeli tiran oo nadaafad ahaana hagaagsan. Badso khudrada iyo miraha.

Samee jimicsi joogto ah:

Marka noloshu cidhiidhi kula noqoto, wax walbana kaa hor yimaadaan, waxaa laga yaabaa halka shay ee aad niyada u haysaa inuu noqdo inaad gurigaaga ka baxdo oo banaanka kusoo yara hawa gadisato. Maahan shay xun waa shay loo baahan yahay oo kaa yarayn kara xaalada aad ku jirtid.

Ka fogoo isticmaalka waxyaalaha siyaadiya tamarta:

Isticmaalka kafeega, ama dawooyinka yareeya hurdadu waxay kaa caawin karaan inaad habeenkii oo dhan soo jeedo si aad wax u akhrisato balse waxaa taas ka daran inay qofka ka dhigaan mid daalan oo niyad jabsan awoodna aan u lahayn inuu maalinkii wax shaqaa qabto, taasoo keeni karta stress.

Isku day inaad yeelatid qof niyada kuu dhisa mar walbana kugu waaniya waxa horumarkaaga ah:

Kali nimadu waa shay dhib ah oo qofka galin kara xaalado uusan kaligiiis maarayn karin, waxaa dhakhaatiirta cilmi nafsigu isku raaceen in kali nimadu ay keento stress, walwal iyo xataa waali mararka qaarkood. Hadaba isku day inaa yeelatid qof kuu dhaw oo mar walba garab kaaga jooga kuguna waaniya horumar kaaga xumaantana kaa reeba, waayo nolosha arday nimadu waa shay mar walba wadata stress iyo cadaadis siyaadaa.

Haka harin hirgalinta himilooyin kaaga:

Qof walba wuxuu lee yahay waxyaalo uu jecel yahay iyo riyooyin uu rabo inuu ka dhabeeyo si uu nolosha guul uga garo. Waxaa laga yaabaa hadaad arday tahay in qorshe maal meed kaagu uu yahay mid mashquula oo casharao akhris, imtixaan diyaarin, kooxo aad si wadajir ah wax u akhrisaan iyo waxyaalo kale oo badan ay kuugu jiraan qorsha haaga. Balse ha ilaawin inaad 1-2 saac maalin walba uga qoon dayso inaad samaysid waxa aad jeceshahay oo himilaada ah, hadii aad taas samaysid waxaa siyaadaya farxa daada waxaana yaraanaya walwalka iyo cadaadiska ku saaran maadaama aad isu aragtid qof shaqo muhiima naftiisa u qabtay.

Ka ilaali caaadiska badan naftaada:

ardayda qaar kood waxay jecel yihiin inay bartaan waxyaalo aad u badan oo aan maskax doodu awood ay ku qaabisho u hayn, tusaale ahaan anigayga qoraalkan qoraya waxaan la kulmay arday soomaaliyeed oo jaamacad ka diyaarinayay 3 maado oo kala duwan balse aakhirkii uu haleelay stress kaasoo aakhirkii ku dhawaaday inuu waasho asagu wuxuu u arkayay inaysan dhib u gaysan karin culayska uu isa saarayo, balse xaqiiqdu waxay tahay maskaxda aadanuhu waxay lee dahay cadad ay ku qaadi karto ama ku qaban karto shaqooyinka loo diro hadii intaas kabadan la saarana way isku dhex yaacaysaa. Hadaba ha saarin naftaada culays aysan qaadan karin.

 Badso qaadashada hawada saafiga ah:

Markasta oo aad dareentid stress ama walwal, qaada shada hawo aad si qoto dheer u soo jiiday waxay kala furfurtaa mawjadaha stresska ee kugu soo fool leh. Isku day jimicsi gaan; qaado neef aa si tartiib ah u soo jiiday adoo ka qaadanaya hawada sanka, hay hawada in dhowr ilbiriqsi ah, kadibna ka sii daa neefta jirkaagu soo celinayo afka, kusoo celceli arintaas ilaa iyo intaad ka nafisaysid.

Waxaan rajay nayaa in qodobada aan kor kaga soo hadalnay ay noqdaan kuwo bulshadu ku faaido, siiba ardaydu ay si gaara ugu faaiday sato, arday nimadu waa xaalad qof walboo soo maray oo kaliya uu fahmi karo, waa xaalad aan sahlanayn oo wadata walwal, walbahaar, stress, cadaadis, iyo waxyaalo kaloo badan. Waxaan qof walboo arday ah kula talin lahaa inuu raaco qodobada aan soo sheegay oo uu waliba si wanaag san ugu dabakho naftiisa si uu guul uga gaaro noloshiisa.

Dadka qaarkood waxay ardaaynimada ku tilmaamaan dagaal uu qofku la galo jahliga si uu naftiisa uga xoreeyo jaahil nimada, waana arin sax ah oo waajib ku ah qof walba.

Hadii aad arday tahay ha noqon fulay ka cabsada cadaadiska iyo duruufaha adag ee kusoo wajahaya inta aad ku guda jirtid jihaadka arday nimo. Noqo geesi ku dhiirada guulaha iyo meel gaarsiinta naftiisa, geesi aan u joojn xaaladahaas mar walbana ka adkaada cadaadis yada soo wajaha.

Ugu danbayntii waxaan qof walboo arday ah u rajaynayaa guul iyo farxad iyo inuu safarka uu kujiro uu ku guulaysto.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *