Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Lagu Daweeyo Madax Xanuunka

Madax xanuunka,Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawooyinka panadol iyo Paracetamol:

Paracetamol-ka waa kiniinka ugu badan dunida ee loo isticmaalo kaar jabinta iyo madax xanuunka. Sida daawooyinka kale paracetamol-ku wuxuu leeyahay waxyeello “side effects” haddii si xad dhaaf ah loo isticmaalana waxaa dhasho dhibaatooyin khatar badan. Waxaa hubaal ah haddii aad maalin gudaheed aad qaadatid 8 xabo oo kaniiniga 500 mg ah in beerka dhaawac gaarayo.

Hadaba paracetamol-ka oo la badsado waxaa ka dhalan karo dhibaatooyinka soo socda:

  • Waxaa uu dhawaac gaarsiyaa xubnaha gaarka ah ee beerka iyo kelyaha taaso laga yaabo inay ka dhalato sumow.
  • Paracetamolka oo la badsado waxaa uu keenaa sonkorta oo kacdo, wareer, kaadida oo yaraato, shuban, dhididka oo bata iyo dhibaatooyin kale.

Haddii madax xanuunkaagu yahay mid joogto ah waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga si laguu siiyo daawooyin kala duwan.

Waxyaabaha dabiiciga ee lagu daaweeyo madax xanuunka:

    1. Sanjabiilka:

Waa geed daweed  ay cilmi baarayaashu isku waafaqeen inuu u roonyahay madax xanuunka, Haddii Shaaha lagu karsado ama cuntada lagu darsado ama isagoo sidaasa ah la cuno waxaa uu joojiyaa madax xanuunka. Sidoo kale waxaad isku darsan kartaa casiirka sanjabiilka iyo casiirka liin  dhanaanta. Sanjabiilka ma daaweyo madax xanuunka kaliya ee wuuba ka hortagaa.

2. Reexaanta:
Reexaanta waxay dejisaa murqaha waxayna u roontahay daaweynta madax xanuunka gaar ahaan nooca niyad kaca (dhafoorka), madax xanuunkan waxaa keena muruq madaxa iyo qoorta ku jira.

Habka shaaha looga karsanayana waa sidatan: Koob biyo ah oo karkaya ayaad waxaad ku daraysaa 3 illaa 4 xabbo oo caleenta reexaanta oo qoyan, dhowr daqiiqo isku karkari waxaad cabaysaa bilaa sonkor haddii rabtana waxaaad ku darsan kartaa inyar oo malab ah.

3. Dhagayaraha:
Dhagayaraha waa xanuun baab’iye aad u fiican, wuxuu u roonyahay madax xanuunka dhafoorka iyo qadaadka (Tension Headache).

Habka isticmaalka: Dhorr dhibcood oo saliida dhagayaraha ayaad  ku daliigaysaa dhafoorka.

4. Saliid macsarada:
waxay aad ugu madax xanuunka ka dhasha fakarka, culeeska nolosha, daalka,  iyo shaqada joogtada ah, waxay joojisaa kana hortagtaa madax xanuunka loo yaqaano “tension headache”, waxayna siyaadisaa foojignaanta iyo wax fahmidda dhakhsada ah gaar ahaan u roon tahay ardayda ku jira xilliyada imtixaanaatka.

Habka istilmaaka:  Madaxa ku shub Saliidda habeenkii marka aad seexanayso, waa in qadar ku filan timahaaga oo aad basada ka dareentid ku shubataa madaxa, dabadeedna aad maro kula xirtid sidaasne aad ku seexataa, xiritaanka waxay ka ilaalinaysaa saliidda in joodariga iyo barkinta aysan kaa gaarin, waxay kaloo saliida siinaysaa huur iyo kulayl ku filan in ay basada ka gudubto oo waxtar u yeelato.

Subaxii marka aad ka soo kacdo iyo maalintaa oo idilba waxaad dareemi doontaa Insha allah isbadal aadan weli horay u arag oo xaga firfircoonida, foojignaanta iyo madax xanuun la’aan iyo welwel yari.

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *