Daawada Dabiiciga Ah ee Hergabka

Hergabka waxaa sababo fayras calaamadaha lagu gartana waxaa ka mid ah qandho, qufac, cune xanuun, qarqaryo, iyo cabur iyo san-xiran.

Hegabka looma qaato antibiotic sababtoo aha waxaa keenaya ma ahan bakteeriya ee waa fayras. Daawooyinka hergabka loo qaato waa kuwo caawiya inay yareeyaan qufaca, ama inay qandhada jabiyaan ama inay joojiyaan hindhisada iyo cuncunka sanka.

Hadaba waxaa jira waxyaabo dabiici ah oo qofku jikadiisa ka heli oo tijaabooyin cilmi ah oo lagu sameeyay lagu ogaaday inay daawo ka yihiin hergabka waxaana ka mid ah:

Toon: Toontu waxay daawo iyo ka hortagba u tahay hergabka, waxaa ku jirta maado loo yaqaan allicin taasoo ka hortagta xanuuno dhowr ah oo hergabku ka mid yahay.

Malabka: Allah SW ayaa Quraanka kariimka ah noogu sheegay in malabku leeyahay caafimaad. Malabku wuxuu u fiican yahay cuncunka dhuunta iyo riiraxyada. malabka waxuu hodan ku yahay maadooyinka enzymes iyo fiitamiino. Waxaa jirta daraasad sheegtay in hadii caruurta la siiyo hal qaado oo malab ah habeenkii hurdada ka hor ay ka difaacdo qufaca iyo hergabka khaasatan caruurta cabburma oo sanku xirmo ama lasoo toosta qufaca xilliyada habeenkii.

Sanjabiisha: Waa daawo guuri loo adeegsan karo xanuunano dhowr oo hergabku ka mid yahay.  Sanjabiishu waxay joojisaa qufaca waxayna yareysaa cuncunka dhuunta. Waxaa ku jiraa maadooyin loo yaqaan “gingerols” oo hargabka u fiican.

Liin dhanaan: liin dhanaanta waxaa ku jira Fiitamiin C oo yareeya qufaca iyo hindhisada waxaana uu xoojiyaa difaaca jirka.

Check Also

timirta iyo caafimaadka

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *