Waxbadan Ka Ogoow Waxyaabaha Dabiiciga ah ee Lagula Tacaalo Gaaska (Gastritis)

daawada gaaska, daawooyinka gaaska caloosha,

Gaaska (gastritis):

Sidaan casharkii hore ku soo qaadanay waxaanu isla soo fahanay waxa ay tahay gasteri ,ciladaha keena, habka loo baadho iyo qaabka loo daweeyo (dawada dhakhtarka).

Haddaba waxaan rabaa maanta inaan isla eegno waxyaabo badan oo aad heli kartid, lagana yaabo inaad qaar ka mid ah aad isticmaashid balse aanad u qaadan si sax ah. Dhamaan waxayaabaha aan rabbo baan inaan ka faa´iideeyo waa wax wadda dabiici ah. Waanaga laga yaabaa inuu Allah (sw) kugu daweeyo ee bal sharkoodana Allah(sw) ka magan gal, khayr koodana waydiiso.

Makeeda koobaad waa inaad xayimi ama yaran karaa cilladaha keenaya gaaska. Markeeda labaadna waa inaad joojin kartaa waxyaabaha dhidhiya ama kordhiya.Kadibna qaado talooyinka intooda wanaagsan. Iskana ilaali xasaasiyada. Waxaa dhici karta inaad xasiisiyad kuleedahay waxyaabaha qaarkood oo ay kaaga sii daraanba. Iska soo qaad dhiigag, adigoo hubina in wax xanuuno saa´id ah kuu lifaaqanyihiin gasaterida iyo waliba adigoo hubina waxyaabaha aad xasaasiyada ku leedahay, si aan markaa uuga feejignaano wixii dhibaato keeni kara.

Haddaba talada dhakhtarka ka sakoow maxaan anigu qaban karaa kaalintayda oon isku dawyan karaa?

Waxaa jira waxyaabo aad u faro badan oo aad aragtid marwalba, aad taqaanid ama aad isticmaashid, balse aanad ku baraarugsanayn dawada ku jirta iyo habka dawada loogala bixi karo. Intooda badana waa waxyaabo ka mid ah cuntooyinka.

Waxyaabahan aan hoos ku soo dhigi doono,kuligood waa waxyaabo wadda dabiici ah, qaarkoodna haddii uu Allah(sw) kuu qadaro kaa kaxayn kara gaasterida. Marka la barbar dhigo daawooyinka kalana aan wax dhibaato ah aanen kuu keenayn, waa haddii aanad xasaasiyad ku lahayn.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha aad tijaabin kartid:

1- Xawaash dhuudhuub

waa midho yaryar oo midabka olivinta oo kale leh una eeg midhaha xawaasha bariiska ama cuntada lagu darsado(Cumin Seeds) Bay u eeg yihiin balse way ka yaryar yihiin. Sorry afsoomali ma ku aqaan , waxaan u malaynayaa in Khamuun afsoomali lagu idhaah. Waxaa ku jira midhahan yaryar maado aad u fiican waliba aad uugu fiican dheefshiida. Waxaa ay miisaan u yeeshaa oo ay saxdaa dheecaanka caloosha(it helps releasing gut juice from the intestine). Waxa kale oo ku jira antioxidants aad u sareeyo. Haddii antioxidants jidhkaagu uu dheeli tiran yahay waxa ay u sahlaysaa difaaca jidhka inuu sifiican u shaqeeyo iyo waliba in uu jidhku si sahlan u qaato wixii dawo ah cudurkana la dagaalamo. Waxa kale oo ay u sahashaa qaadashada vitimens iyo minerals. Fiber aad u saraysina way ku jirtaa oo u fiican caloosha iyo saxaradaba.

Sideen u isticmaalaa?

Soo qado malqaacada yare e shaaha mugeed, kadibna ku darso far iyo suul milix ah isna dhex gali. Kadibna cun, isku tun ama isku ridiq ama kaligoodba calali. Mudo isticmaal. InshaAllah waxaan rajaynayaa inaad calaamadaha gasterida oo dhan aad iloowdid.

2- Sanyabiisha qoyan (fresh ginger):

Sayjabiilku runtii waa waxyaabaha sida Sunnada ah layskugu daweeyo. Waana daawooyinka uugu faa´iidada badan waxyaabaha dabayciga ka midka ah. Waxaad calashanaysaa jeex yar oo sanjabiil ah inta aanad cuntad cunin ka hor cuntiiyinka culus oo dhan ka hor. Waxa kujira Sanjabiilka maado la dagaalanta jeermiska iyo waliba dheeli tirta dheefshiida iyo dhaqdhaqaaqeeda, taas oo markaa keenaysa inay ka hor tagto gasterida.

3-Biyaha Qunbaha:

Biyaha cunbuhu waxaa loo arkaa inay ka mid yihiin wax yaabaha daaweyn kara gasterida. Waxa uu qunbuhu uu hodan ku yahay waxaa ka mid ah inuu caloosha dhaqdhaqaaqeeda uu saxo oo uu normal ka dhigo (mudo dheer iyo mudo gaaban). Isku day inaad isticmaashid biyahaas oo fresh aha oon waxba lagu darin. Waxaanad cabi kartaa markasta oo aad u baahatid khaasatan cuntada ka hor iyo kadib.

5-Kaarooto iyo koosto:

Waxaad isku daydaa inaad juice ka samaysatid kaarooto iyo koosto fresh ah. Waxaad isku dartaa 200 ml oo cabbitaanka koostada ah iyo 300 ml cabbitaanka kaarootada ah, maalin walbana cab cabbitaankan. Waxaa labadan geedba ku jira maadooyin ka qayb qaadanaya yaraynta gaaska.

6-Cabbitaanka baradhada

Waxaad isku daydaa inaad ka tuujisid baradho fresh ah juice, isku day inaad ilaa koob badhkii aad tiijisid. Waxay kaa caawinaysaa juice tani inay gaaska kala yarayso. Waxaad cabaysaa intaanad cunin cuntada maalin walba.

7-Cabbitaanka Liindhanaan:

Waxaa in badan la ogaaday in liindhanaanta huruuda ah ( liin qarbooshtu) aya caawiso gaaska. Ka samayso cabbitaanka liin dhanaanta isku day inaad cabtid cuntada kadib.

8- Licorite tea:

waa shaah u fiican gasterida oo laga sameeyey intan oo shay (licorice, cinnamon, ginger, orange peel, cardamom, black pepper, roasted chicory, barley malt, cloves, vanilla extract, orange extract). Karso biyo kadibna, kadibna koob ku shub oo ku dheh shub shaahan. 10 daqiiqo kadib shaandhee oo cab.

8-Xamar, khamuun iyo asafoetida juice:

Waxaad isku radisaa xamar/ raqay fresh ah, khamuunta nooca bariska lagu daro ma ahe ee nooca u eeg ee afka dhuudhuban iyo geedkan asafoetida. Kadib markay mudo iskugu kaa radsanaadaan ayaad cabaysaa biyahooda si joogto ah markaad awodid ba.

9- Fennel:

waa nooc aan khamuunta ka dheerayn ,laakiin ka yara waa wayn kana akhtarsan midab ahaan. Waxa ay u fiican tahay caloosha siyaabo badan. Waxaa la ogaaday inay dajiso cilada gaasterida. Waxaad ku solaysaa fennel maaqle ama ovn kaba. Yara dub oo markaad dubtid aadna ha u dubin. Isku day inaad inyar ka calashato cunto kaste kadib. Waxa ay kaa dajinaysaa gaasterida.

10. Toon iyo cinab:

Toontu sidaan ognahayba waxa ay dawo ka tahay waxyaabo badan oonan halkan lagu soo koobi karin. Habase ahaate waxaad isku daraysaa toon iyo cinab midho leh oo laqalalshay. Waxaad qalka ka dhilaysaa xabad ama laba toon, kadibna cinabka kala dilaaci oo ku duub toonta. Cun sidatan si joogto ah.

11-Kaabash, kaarooto, sanjabiil, tufaax iyo liig juice:

Waxaad u baahan tahay kaabash, kaarooto, zanjabiil, tufaax iyo liig. Kuligoodna fresh ha noqdaan. Waxaad u baahan tahay mashiinka cabitaanka oo nooca khudradda biyaha ka tuujiya ah. Dhammaan khudraddaan ka tuuji biyaha, walibana sanjabiisha ku yaree. Waa inaad maalin walba shan koob aad tuujisaa ood waliba shan jeer aad cabtaa maalintii mudo shan cisho ah. InshaAllah waad ku fiicnaan.

Ku waasi waa waxyaabo toos aad calooshaada u galin kartid. Balse waxyaabo hanna isku eeg.

  1. Marka uu xanuunku kugu badan yahay isku day inaad hot compresses/ tuwaal kulul ama dhalo biyo kulul ku jiraan ama sisibad inaad caloosha oo madhan aad saartid. Waxay kaa kala yaraynaysaa xanuunka.
  2. Dadka gaaska qaba waxaa lagula talinayaa inay maalin walba ku maydhaan, biyo kulul, iyagoo adeegsanaya isbuunjo/ burush nooca biyaha nuuga oo jidhka lagu kubakubaynayo khaasatan meelaha xanuunku kaa hayo, caloosha iyo meelaha kale ee aad xanuun ka dareemaysid. Lama isticmaali karo wax dufan leh marka aad maydhashadan aad qaadanaysid. Balse marka aad maydhatid cabaar ka bacdi waad cream maysan kartaa haddii uu jidhku ku qalalay. Aad bay xanuunka u yaraysaa sidani.
  3. Iska ilaali waxyaabaha kugu kicinaya gaaska, hanna ku dagdagin wax kasta oo laguu sheego balse ka fiirso, sharkooda iyo xasaasiyadoodana Allah (sw) ka magan gal.
  4. Qaado talo kasta oo lagu siiyo oo ku dhaqan adigoo isla markaana iska taxatiraya ciyaasta, xasaasiyada iwm.
  5. Ha ku seexan cunto culus habeenkii.
  6. Isku day inaad dhawr jeer ila 6 jeer inaad wax cuntid adigoo markaa qiyaas yar cunaya.
  7. Iska ilaali gaajada.
  8. Iska ilaali cuntada xawaashka iyo basbaaska badan iyo acid badan.
  9. Iskau day inaad 2 liter iyo wixii ka badan oo biyo oo cabi kartid maalintii.
  10. Isku day inaad badsatid Khudrada, Fruit ka, Digirta, qamadiga, misirka iwm oo nooca madow oo qolofta leh
  11. Isku day inaad dufanka xoolaha ku badashid omega-3, omega-6 iyo omega-9
  12. Isku day inaad isku dheeli tirtid cuntadaada khaasatan.

Waxaa waxan oo dhan ka muhiim san isku dawaynta Quraanka. Quraanku wa shifo. Marwalba isku akhri intii aad ka taqaanid.

Ugu danbaytii Allah ku caafiyo ee cibaadada, ducada, sabarka iyo dikriga badi. Waad ka bogsoondoontaa inshaAllah.

Baraka Allahu fiikum

-Saamiyah

Check Also

timirta iyo caafimaadka

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *