Daawada Bidaarta Iyo Timaha Daata

daawada bidaarta bidaar timaha daataDaawada Bidaarta Iyo Tinta daadata

Xilliyadii hore bidaarta iyo timaha qofka oo daata waxay ku xidhnaan jireen da’da qofka oo weynaata, waqtigaan aynu hadda joogno se waxaa suuragal ah inay mushkiladaas la tacaalayaan dad badan oo da’doodu kala duwan tahay, Waxaana halkaa ah arrimo badan oo sababaya mushkiladaan ay timuhu u daadanayaan, taasoo suuraagal ah inay yareyso kalsoonida ay dadku naftooda ku qabaan meelo badanna ay u maraan sidii ay mushkiladaas xal ugu heli lahaayeen laakiin Qormada maanta waxa aynu kusoo gudbinaynaa xalka ay arrintaas khubarada caafimaad ee caalamka iyadoo ah dawo aad adinku samaysan kartaan, adeegga aad u baahan tihiinna waa xoogaa saliidda qumbaha ah, beedka digaaga (ukunta) iyo inyar oo malab saafiga ah kuwaas oo marka aad isku wada darto iskuwada qooshto aad u kaadinayso illaa ay isku adkaadaan kadibna aad madaxaaga ku dhoobayso oo marinayso  intaa kadibna mudo 3 saacadood ah waxaad madaxa ku maydhaysaa biyo diirran.

Howshaas ayaad ku celcelinaysaa toddobaadkiiba 3 jeer muddo labo bilood oo kaamil ah, Kadibna waxaad arki doontaan isbeddel wanaagsan insha Allahu.

Xuseen Aadan Yuusuf (Hussein Kurdi)

Check Also

khatarta dawooyinka waxyeello

Khatarta Dawooyinka iyo Waxyeelladooda

Waxaan naftayda iyo naftiinba la jeclaaday in aan idiin soo gubiyo qoraal gaaban oo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *