Cuntooyinka U Wanaagsan Ardayda Imtixaanka Gelaysa

khabiirada cuntooyinku ardayda ayaa baahinayay qaar ka mid ah cuntooyinka xusuusta qofka u fiican, kuwaas oo ay kula talinayaan ardaydu in ay quutaan maalmaha imtixaanaadku ku soo dhow yihiin.

Jariirada “Le Monde” ee ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa  daabacday, liiska cuntooyin ay sheegtay in ay ardayga u fiican yihiin, oo ay xoojiyaan, firfircoonida jidhka, deganaanshaha maskaxda iyo qaybta xusuusta ee qofka oo heerka ugu wanaagsan gaadhaysa, marka uu isticmaalo cuntooyinkan.

Jariirada ayaa sheegtay in cuntooyinkani yihiin, kuwo khubarada waxyaabaha la quutaa si gaar ah u diyaariyeen, muddo dheerna tijaabooyin ku sameeyeen, sidaa daraadeed ay ardayda ugu baaqayaan inay cuntooyinka maalin laha ay u isticmaalaan ay ku darsadaan.

Cuntooyinkaas waxa ka mid ah, Kaarootada, Babayga, liin macaanta, kuwaas oo haddii ay cabitaan ka dhigtaan oo sharaab ahaan ay u cabaan iyo haddii ay sidooda ku cunaan intuba faa’iido u leedahay.

Si qofka dareenka sakatiga leh ee uu imtixaanka ka qaadayaa uga ba’do, waxa fiican in quraacda uu isticmaalo, cuntooyinka dhiiga leh, sida kelyaha ama beerka, ka dibna ka daba cabo koob liin macaan ah, inta aanu fasalka galina isticmaalo hal xabo oo shukulaatada madow ah, cuntooyinkan oo marka ay is biir biirsadaan, kor u qaada, heerka deganaanshaha jidhka, firfircooni badana galiya qaybta xusuusta ee maskaxda.

Si isku dheeli tirnaanta jidheed iyo maskaxeed ee qofku kor ugu kacdo, heerka fikirka maskaxdiisuna u noqoto mid aad u saraysa, oo qaybaha xusuustu shaqo fiican u qabtaan, waxa khubarada cuntooyinku ardayda kula talinayaan, inay ku dedaalaan quudashada ama cunista cuntooyinka ay ka midka yihiin, kaluunka, hilibka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan kuwa shiilan, sidoo kale waxa looga baahan yahay ardaydu inay isticmaalaan khudaarta qalalan sida rumaanka iyo timirta, dhamaan cuntooyinkan waxa ku badan sida khabiiradu sheegeen, fiitamiinada, C, D, A, B, kuwaas oo xoojiya, firfircooni badana galiya wadnaha iyo maskaxda oo labada qaybood ee xusuusta aadamigu ku badan tahay.

Waxa kale oo cuntooyinkan oo Kaarboonku ku yar yahay ay hoos u dhigaan wareega xad dhaafka ah ee dhiiga, oo marka qofku fekarayo aad u kordha, taas oo khalkhal ku rida shaqada maskaxda iyo xusuuta qofka.

Sida daraasado kala duwan oo la xidhiidha ardayda imtixaanaada galaysa ee dunidu muujinayso, waxa jira arday badan oo soo jeedka badsada, cunto yaraanina ku dhacdo cabsida ay imtixaanka ka qabaan, ardaydaas oo marka ay imtixaanka gaadho, hoos dhiigoodu u dhaco, ka dibna laga yaabo in dhibaato caafimaad la soo deristo, hoos u dhac waynina ku yimaado xusuustooda.

Sidaa awgeed waxa ay daraasadani ku talinaysaa in ardaygu mashquulka badan, naftooda ka yareeyaan, kuna dedaalaan inay cuntooyinka fiitamiinada badan quutaan, si heerka isku miisaanaanta jidheed iyo maskaxeed ugu fiicnaado.

Faysal Maxamed Xasan
daralla06@gmail.com
Xigasho: Weedhsan Corporation

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *