Cuntooyinka Ka Hortagga Dhiig la’aanta

cuntooyinka dhiig-yarida, Dhiig la'aanta, dhiigyariDhiig la’aanta iyo xaaladda caafimaad ee ka dhalata oo afka caafimaadka loo yaqaanno Anemia waxa ya ka mid tahay xanuunnada bulshadeenna caanka ka dhex ah, inta badanna lagu arko, sababaha keena oo badanna waxaa ugu muhiimsan, cunto xumada, iyo dadka oo aan inta badan aqoon u lahayn cuntooyinka uu jirku u baahan yahay.

Anemia waa dhiigga oo ay ku yaraadaan unugyada dhiigga cas, kuwaas oo sida caadiga ah ka caawiya in uu nuugo hemoglobin ta oo masuul ka ah in ay neefta Oxygen ka soo qaado sambabada, kadibna jirka oo dhan gaarsiisa. Sababaha kale ee keena Anemia waxaa ka mid ah dhiigga oo ay ku yaraato maadadda xadiidka (iron), sidaa awgeedwaxaa ay dhakhaatiirta caafimaadku ku talinayaan in qof kastaa uu sida caadiga ah ku dadaalo cunista cuntooyinka uu xadiidku ku jiro, si uu isaga ilaaliyo in ay ku dhacaan dhiig la’aan iyo Anemia.

Cuntooyinka Ka Hortago Dhiig-Yarida:

  • Miraha sabiibka
  • Digirta la engejiyey, digirta kala dhanbalan iyo digirta cagaaran
  • Jaallaha ukunta: Aad ayey dhiig yarida ugu fiican tahay
  • Rummaanka
  • Cabitaanka Baytaraafka
  • Hilibka: Hilibka lo’da, digaagga maqaarka leh,  kalluunka iyo beerka
  • Dufanka lawska
  • Timirta
  • Khudradda caleenta cagaaran sida koostada iyo ansalaatada

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *