Cuntooyinka Ka Hortagga Wadne Qabadka Sida Aadka Ahna U Nadiifiya Xididdada Wadnaha

Wadne qabadku waa khatar caafimaad, dhimashada ugu badan ee aduunka waxaa sababa xanuunada ka dhasha wareegga dhiigga, wadne Qabadka wuxuu dhacaa markii xididka quudiya muruqa wadnaha uu xannibmo. Socodka dhiigga ayaa ka joogsada qayb wadnaha ka mid ah, Haddii aan isla markiiba la daaweyn, qaybtaan muruqa wadnuhu way dhimataa.

Website ka healthycures ayaa waxa uu soo bandhigay cuntada caafimaadka leh ee awooda u leh in ay nadiifiso xididdada wadnaha kana hortagta xinjiraha, waxaana kamid ah kuwan soo socda:

1.Kalluunka Salmon ka: Waxa loo arkaa kalluunka Salmon in uu yahay cuntooyinka ugu badan ee u leh faa’iidooyinka caafimaadka wadnaha, waxa ku jira tiro badan oo ah acid ka dufanka leh taasoo faa’iido u leh caafimaadka, iyada oo awooda baabi’inta Cholesterol ka, sababto ah waxa ay ay awood u leedahay yareeynta heerka dufanta dhiigga.

2-Cabitaanka liinta Orange da:Liinta orange ka waxa ku jira tiro kamid ah maadooyinka antioxsidanter ka, kuwaas oo u suuragaliya in ay taageeraan xididdada dhiigga, sidoo kale waxa ay awoodaan yareeynta cadaadiska dhiigga ee sareeya.

Waxa ay kutalinayaan khubarada Nafaqadu in la isticmaalo 2 koob oo cabitaanka oranjada ah maalintii si loo helo maadada vitamin “C”ga ee loo baahan yahay, taas oo ku yeelan karta raad wanaagsan caafimaadka wadnaha.

3.Bunka: Waxa ay sugeen tiro diraasado ah oo la sameeyay in cabbitaanka 2 ilaa 4 koob oo bun ah maalintii ay yareeynayso halista wadne 20%.

4.Lowska: Iniinta ama miraha noocyada lowsku waxa ku jira dufan badan oo caafimaad leh, oo ay kamid yihiin acid ka dufanka leh gaar ahaan nooca loo yaqaano Omega 3 iyo dufanka loo yaqaano Unsaturated ka ee laga helo sida dhirta, saliid saytuunka iyo kalluunka, kuwaas oo awood u leh in ay baabi’iyaan cholesterol-ka, waxana ay wanaajiyaan xasuusta iyo kala- goysyada.

5. Huruuda (Tumeric):Budada laga sameeyo geedka tumeric ga waxaa ku jira tiro badan oo maadada loo yaqaano “curcumin,” taas oo si firfircoon u caawisa yareeynta bararka unugyada iyo ka hortagga in baruurta ay ku kaydsanto ama ku ururto jidhka.

6. Shaaha Cagaaran (Green Tea): Shaaha cagaaran wuxuu aad ugu fiican yahay caafimaadka wadnaha maadaama uu yareeyo waxyaabaha ka qayb qaato halista wadna xanuunak sida kolestaroolka, waxayna cilmibaarayaashu sheegeen in shaaha cagaaran uu yareeyo halista wadna xanuunka boqolkiiba 31%.

7. Qorfaha: Waxaa uu yareeya cholesterol ka. 1 Qaado oo qorfe ah oo aad maalin kasta isticmaashid waxaad ka helaysaa faaidooyin badan oo caafimaad.

Akhriso:  Waxtarka Geedka Qorfaha

8. Qaraha: Qaruhu wuxuu kobciyaa caafimaadka wadnaha wuxuu ka hortagaa in xididada wadnaha ay  dufan ay ku samaysmaan waxaana uu yareeya khatarta wadne qabadka.

9. Avocado: miraha avocado waxay ka mid yihiin cuntooyin loo yaqaan “super foods” waxay leedahay waxtar aad u weyn. Dufanka ku jira avocado-da waxaa uu kobciyaa caafimaadka wadnaha.

10. Rumaanka: Cilmibaaris lagu eegayay saameynta uu rummaanka ku leeyahay caafimaadka wadnaha ayaa lagu sheegay inuu ka hortago dufanka ku samaysanto xididada halbowlayaasha wadnaha, wuxuuna hoos u dhigaa saliida xididada fariisata taasoo keento xanuunka wadne qabadka.

10. Koostada (Spinach): Koostada  waxaa hodan ku tahay “folic acid” iyo “potassium” kuwaasoo awood u leh inay hoos u dhigaan cadaadiska dhiiga ee sarreeya. waxaa kaloo ku jiro maadada “Folate” taasoo la rumaysan  yahay inay caafimaad u leedahay wadnaha iyo xididada.

11. Saliida Saytuunka: Waxaa saliidan ka hortagtaa  cudurrada wadna, maadama ay  hoos u dhigayso triglyceride ka dhiiga iyo waliba ka hortaga HDL cholesterol ka xun ( LDL) ee xididada dhiiga subag jufan ku noqda. Waxa ay saliidan hoos markaa u dhigaysaa cholesterol (LDL) xun iyadoon hoos u dhigayn cholesterol (HDL) ka fiican . Haddii uu cholesterol ka xun iyo triglyceride ka dhiigu ay bataan waxa ay keeni karaan cudurada ku dhaca wadna iyo agagaarkiisa iyo in ay curuuqda dhiigu isla xidhaan dufan awgeed. Ciladahaas oo keeni kara xididada guntama ama wadnna istaag ama madaxa oo dhiig ku furmo iwm.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *