Cuntooyinka Farxada Kordhiya (Happiness)

Sida uu qoray wargayska time magazine oo kasoo xigtay khubaro ayaa sheegay noocyo kamid ah cuntooyinka ay ku dareensiinayaan farxad lana dagaalamayaan murugada.

sida lagu faafiyay natiijada kasoo baxday daraasad lagu qoray wargayska Jama in cabista qaxwaha subuxii ay kor u qaadayso in aad dareentid faxad iyo rayn rayn, sidoo kale waxay xaqiijiyeen dumarka caba 2koob ilaa 3koob maalinkasta in 15% aysan wax murugo ah dareemayn. sidoo kale khubarada waxay sheegeen in cunista qudaarta ay qofka dareensiiso farxad.

sidoo kale waxay sheegeen Kordhinta tirada la cuno khudaarta iyo miraha maalintii ilaa 7 jeer waxay hagaajisaa niyaddaada waxana sare u qaadaa mooralka qofka, sida ku cad daraasad Holland ah.

Daraasad Japan ah ayaa sheegtay in 5koob oo shaaha cagaaran maalinkasta ah yaraynayso heerka walaaca 20%. Khubarada nafaqada ayaa sheegaya in funguska sidoo kale caawinayo in aad dareentid farxad sababta oo ah waxa ku jira vitamin “d”, taasoo yaraynaysa dareenka buufiska iyo walwalka.

Ogaalka

Check Also

Sababta Dhakhaatiirtu Ay Ugu Taliyaan In La Joogteeyo Cunista Boorashka

Boorashku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu caansan ee lagula taliyo dadka maadaama oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *