Cuntooyin Kaa Caawinaya Inaad Seexatid Hurdo Raaxo Leh

Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka Japan, ayaa sheegay in cuntooyin badan oo dadku si joogto ah u isticmaalaan keenaan hurdada, halka ay qaar kalena hurdo la’aan ku ridaan.

Khubaradu waxay sheegeen in bariiska uu masuul ka noqdo in qofku hurdo dareemo, halka baastada noocyadeeda kala duwan sababto in qofka hurdadu ka tagto.

Cunista roodhida iyo cuntooyinka kale ee daqiiqda laga sameeyey sida sabaayadda, keega in aanay wax saamayn ah ku yeelan hurdada sida daraasaddu shaacisay.

Waxa kaloo ay xuseen in cuntooyinka maadada la yidhaa Gycaemic Index (GI) ee bariisku ugu horreeyo ku badan tahay ay hurdo fiican keenaan, “Waayo waxay cuntooyinkan dhiigga ku sii dayaan sonkor badan, taasina waxay keentaa in dhiiggu muddo badan jidhka dhex wareego,” ayey yidhaahdeen cilmi-baadhayaashu.

Dadka xilliyada habeenkii hurdo la’aantu ku dhacdo waxa khubaradu talo ahaan u siiyeen in ay beddelaan cuntooyinka ay ku casheeyaan, dibna u eegaan noocyada ay tahay.

Waxa kale oo ay intaa ku dareen in cuntooyinka ay ku yar tahay maadada GI ay dhiigga siiyaan sonkor aad u yar, taasina keento in dhiiggu aanu muddo badan jidhka dhex wareegin.

Sababta cuntooyinku bariisku ugu horreeyo oo maadadan ku badan tahay hurdada u wanaajiyaan, ayaa khubaradu ku sheegeen inay ku jiraan maadooyin kale oo la yidhaa Tryptophan iyo Amino Acid, kuwaasoo sababa in jidhku soo saaro hormoonka lulada keena ee la yidhaa Melatonin.

Daraasaddan oo daba socotay cilmi-baadhis hore oo lagu sheegay in cuntada Carbohydrate ah ee maadada GI ku badan tahay ay keento in maskaxda qofku dareento hurdo badan.

Cilmi-baadhistan oo lagu falanqeeyey caafimaad sannadle ah oo laga qaado 1,848 shaqaale warshadeed (1,164 rag yihiin iyo 684 dumar ah), kuwaasoo ka shaqeeya warshad dalka Japan ku taala, taasoo natiijada daraasaddani ka soo baxday.

Ibraahim Khadar

Check Also

Faa’iidooyinka Cajiibka Ah Ee Muusku Jidhkeenna U Leeyahay

Muusku waa mid kamid ah khudaarta ugu caansan uguna waxtarka badan xaga caafimaadka ee laga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *