Cunto U Fiican Ilmaha

Sida caadada ah sanad kasta xiligaan oo kale waxa ardayda dalalka reer galbeedka ay dugsiyada waxbarashada ku noqdaan bisha  September kadib fasaxa xagaaga oo ku dhawaad ardaydu 3 bilood ay ka fadhiyeen waxbarashada, Sidaa awgeed Hafza Hassan ayaa natusinaysaa cunto u fiican ilmaha iskuulka aadaya, waalidkana u fudud.

Ilmaha inta badan waxay xiiseeyaan rootiga cuntada la dhex geliyo ee loo yaqaan sandwich-ka. Hafza ayaa nala wadaagaysaa 3 nooc oo loo samayn karo rootigaan.

Nooca koobaad: waxaa loo yaqaan Egg Salad Sandwich, waa ukun, khudaar shiidan iyo ansalaato la dhex gelinayo rooti

Nooca labaad: Waxaa loo yaqaan Tuna Salad Sandwich, waa kalluunka qacasadaysan, khudaar shidan iyo salad la lagu cunayo muufada bacaha ku jirta ee la yiraahdo flax pita bread

Nooca Saddexaad: Waxaa loo yaqaan Chicken Salad Sandwich, waa hilib digaag lagu darayo khudaar shiidan, cream cheese iyo ansalaato kadibna la dhex gelinayo rooti,

Ka faaidaysi wacan:

Daawo talooyin ku socda waalidiinta

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *