Cuntada Uu Jecelyahay Ayaad Ka Ogaan Kartaa Dabeecadihiisa

cuntadaDaraasadan ay dhawaan ay  soo saareen koox khubaro ah ayaa sheegey in cuntada uu ninku ugu jecel yahay ay u fududeyn karto dumarku iney wax badan ka bartaan dabeecadaha ninkaasi………..darasadani aad bey u dheertahay laakinse intii ka macquul ah ayaanu halkani idinku soo gudbineynaa……….

Ninka cuntada qadhaadh ugu jeceli sida liin dhananta o kale,waa nin daacad ah oo aan jeclayn inay dadka iska horyimaadaan.

Ninka cuntada milixda leh ugu jeceli waa nin naxariis badan oo si wanagsan dadka ula dhaqma.

Ninka basbaaska (qanjida)ugu jeceli waa nin jecel in uu amar bixiyo mar kasta,sidoo kalena waa nin dhibaatada ka hor timaada si degen u xaliya,dhabtiisuna ay badan tahay.

Ninka toonta ugu jeceli waa nin kalsoonida naftiisa uu ku qabaa ay aad u yartahay, isla markaana jecel inuu mashaakilka iskaga durko.

Ninka bunka ugu jeceli waa nin himiladiisu ay cadahay,jecelna maamulka wanagsan,markastana mustaqbalka ka fikira,wuxuuna leeyahay in yar oo cadawtinimo ah.

Ninka shaaha bigeyska ah ugu jeceli waa nin sidiisaba markastaba u daalan.

Ninka shaaha cadeyska ugu jeceli waa nin cabsi badan, faalo xun ayuu ka qabaa dhinaa mustaqbalka(negative),falalkiisana aad uma miisaami karo.

Ninka ugu jecel sharaabka morgareysan wan nin bood-bood badan, si dhakhso ahna arrimo cusub isugu bedela.

Check Also

Ma Ogtahay?

Ma ogtahay khaliifa Mucatassim Billaah wuxuu ahaa wiilkii 8aad uudhalay Haaruun rashiid ,sidoo kale wuxuu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *