Cunista Xabad Avocado Ah Maalintii Waxay Kaa Badbaabin Kartaa Xanuuno Badan

cunista midhaha avocadoMidhaha Avocado waa mid kamid ah midhaha nafaqada leh oo waxtar wayn u leh caafimaadka jidhka bani’aadanka iyo dhismihiisa.

Cunista hal midhahan oo avocado ah maalintii waxa ay yareysaa halista in uu ku haleelo cudurka wadnaha, waxaa la sugay in uu nidaamiyo shaqada xididdada dhiigg mareenada waxana sabab u ah dufankiisa dabiciiga ah ee uu leeyahay iyo in uu kaa caawiyo hoos u dhigo cholesterol-ka iyo wanaajinta maadada insulin ta.

Midhaha avocado ayaa waxa ay kaa caawinayaan hoos u dhaca miisaanka iyo joogtaynta caafimaadka jidhka ka iyaga oo kor u qaadaya dareenka dharagga.

Daraasad dhawaan lasoo saaaray ayaa muujisay in quudasha cuntada hodanka ku ah avocado in laga helo dareen buuxnaan ah, waxana u sabab ah midhahan oo ay ku jiraan tiro badan oo ah maadada sahasha nidaamka dheef-shiidka.

Waxa kale oo uu yareeyaa halista kansarka afka, naasaha iyo qanjidhka ‘prostate’ ka sidaa daraadeed ayaa loo quutaa maalin kasta.

Midhahaa avocado ayaa waxa sido kale ku jirta maadada ( carotenoids) tasoo gaabis ku keenta gabowga iyo tiro maadooyinka antioxidant oo aad muhiim ugu ah caafimaadka  indhaha.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *