Cunista Shukulaatada Madow Waxay Kaa Difaaci Kartaa Macaanka Iyo Cudurrada Wadnaha

Daraasad cusub oo British ah ayaa sheegtay cunista shukulaatada madow (Dark Chocolate) si dhexdhexaad ah oo qiyaastii 25 gram ah maalintii in ay yaraynayso halista haleelitaanka qof ka ee macaanka iyo wadne xanuunka, maxaa yeelay waxa uu ka kooban yahay maadooyinka (antioxidants) ka oo ah kuwa ka hortago waxyeellada ama burburka unugyada jidhka.

Daraasadan ayaa cilmi-baadhayaalku ay ku sameeyeen Kulliyadda caafimaadka ee jaamacada Warwick University ee Britain taaso lagu daabacay majallada xilliyeedka Nafaqada ee Britain.

Cilmibaadhayaasha ayaa sheegay in shukulaatada madow ay ku jiraan heerar aad u sareeya oo (Cocao) ah kaasoo qani ku ah maadooyinka (antioxidanter) ka, sida flavonoids ka oo ka hortagi kara burburka ama waxyeellada unugyada.

Cilmibaadhayaashan ayaa waxa ay dabogal ku hayeen 1153 qof oo da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 69 jir, waxana ay la socdeen isticmaalkooda shukulaatada iyo xidhiidhka uu la lee yahay iska caabin jidhka ee maadada (Insulin) ta, kaas oo soo saarta iska caabinta jidhka isagu halista dheeraadka ah ugu jira haleelitaanka macaanka nooca 2aad, cudurka wadnaha, marka lagu daro saamaynta heerka (enzymes) ka ee beerka.

Cilmi baarayaashan ayaa waxa ay ogaadeen in 81.8% ka mid ah ka qayb galayaashii daraasaddan ee cunay shukulaatada madow oo isticmaalkooda dhexdhexaadku isku celcelis maalin kasta uu gaadhay 25 gram.

Natiijooyinka daraasada ayaa waxa ay muujiyeen in isticmaalka dhexdhexaadka ah ee Chocolate ka maalin kasta ay yareysay iska caabinta jidhka ee( insulin)ta iyo sidoo kale hoos u dhigista halista haleelitaanka cudurada wadnaha iyada oo wanaajisay heerarka (enzymes) ee beerka,markii la barbar dhigay kuwii aanan cunin Chocolate ka.

Dhinaca kale, Chocolate ka oo ay ku jiraan heerar aad sareeya oo dufan iyo sonkor ah waxa isticmaalkiisa xad-dhaafka ah u horseedi kara dhibaatooyin caafimaad, sida suuska ilkaha iyo buurnida.

Xigasho: Anatolia

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *